Search This Blog

Thursday, October 9, 2008

Dagaalka Somalia waa mid ganacsi"


Ergayga UN-ka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah ayaa daboolka ka qaaday in dagaalada ka socda Somalia ay yihiin kuwo ganacsi oo raga wada ay lacago ku helaan.

Sidoo kale Ould-Abdallah ayaa ku tilmaamay hogaamiyeyaasha Somalida inay yihiin kuwo ku guuldareysatay inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan, isagoo xusay inuu dhibsado qaabka ay wax u hoggaaminayaan.

"Xudunta dhibaatada ka jirta Somalia waa guuldaradii dhacday 1990-kii iyo iyadoo ay caado noqotay inaan la isku tanaasulin si xal looga gaaro dhibaatada" ayuu yiri ergayga UN-ka ee Somalia Ahmed Ould-Abdallah.

Wakiilku; wuxuu sheegay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dagaalo ka dhaceen, balse ay xal ka gaareen colaadahaas, isagoo tusaale u soo qaatay dalalka: Muzambique, Liberia, Angola, Sierra Leone iyo Uganda.

"Dagaalka Somalia waa mid ganacsi oo ay lacago ka helaan dadka wada, taasoo ay ganacsiyo kaga sameystaan Nairobi iyo Dubai" ayuu yiri Ergayga UN-ka ee Somalia Ahmadou Ould-Abdallah.

Ergayga oo la weydiiyay sida lagu joojin karo dagaalada Somalia maadaama xalku sidaan yahay ayaa yiri: "Waxaan wadashaqeyn la wadaan qaybaha kala duwan ee Somalida iyo dalalka IGAD, si fikrado waafi aan u helo".

Shirkii Jabuuti ayuu ku tilmaamay mid gundhig u noqon kara nabad ka dhalta Somalia, isagoo carabka ku dhajiyay inuusan shirkaas fashilmi doonin; balse ay jiraan kooxo Somalia ah oo dagaalo kusoo jiray tan iyo 1995-kii.

"Somalidu cadow iskuma ahan ee waxaan jirin is-aamin, dadka qarkood ayaa doonaya in shirka Jabuuti uu fashilmo, waxayna sameynayaan khalad, waayo joojin mayno hanaanka nabada" ayuu yiri Ahmadou Ould-Abdallah.

Wakiilka oo la weydiiyay sida uu u arko shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin kuwo wanaagsan, oo doonaya in dalkooda nabad ay ka dhalato, wuxuuna xusay inuu la kulmay shacab badan.

Banaadir Post

Wednesday, October 8, 2008

KISMAAYO SHALAY IYO MAANTA W/Q: Shariifka

Magaalada kismaayo waxay ka mid tahay Magaalooyinka Somaliyeed ee ay ka dhaceen Dagaalada sukeeye kuwa ugu badan ama ugu xumaa, waxaa ay nasiib u yeelatay dagaal joogta ah barkaca burbur iyo bililiqo baahday oo joogto noqtaya, dagaal aan dhamad lahayan iyo dulaamo abaabulana laga soo bilaabo sanadii 1991 xiligaas oo aya dhacdaya Dowaldii Kacaanka ahayad ee Dalka ka arminaysay mudada 21sano ah.

Duulaanada badankooda waxaa ay ka imanayeen gololo fogfog sida Galgaduud, Gado, Banaadir, iyo meele kale oo dhamaantood aan xudud la lahayan Magaaladaas.

Kismaayo waxaa ay noqtay gabagabadii dagaalkii sukeeye iyo duulamadii dhul balarsiga ahaa ee Qabailada qaar ay ku kacayeen markii uu dhamaaday Magaalda kaliya ee la isku haysto ama dadkii la haa ay san ka arimanayn ee ay ka taliyaan maleeshiyooyin qabiil oo hadafkoodu yahay boobka iyo dhaca qayraadka golabalkaas alle uu siiyey ee dabiiciga ah, sidoo kale waxaa uu ahaa hadafka labaad barkicin boob iyo dila joogta ah oo lala beegsanayey dadka aan waxba galabsan ee duulanka lagu yahay, kooxaha duulaanka soo qaday si ay isugu ekaysiiyan in ya yihiin dad deeganaka u dhashay oo reer Kismaayo ah aye waxay isku Magacaabeen Macagayo ay uga goleeyihiin in ay dadka ka dhadhicyaan in ay isku deegaan yihiin oo ay dhulka u dhasheen waxaan ay isugu yereen magaca ah DOOXADA JUBA.

Magaaladu waxay noqtay mid ay ka arimiyaan qaar ka mid ah qabqablayaashii dagaalka ee Xamar xaruntu u ahayd, sida SEERAAR IYO GOOBALE, waxaa sidoo kale ay noqtay meel aan wax talo ah ay san ku lahayan dadkii deeganaka udhashay oo gacanta ugu jirta qolo gaar ah oo xitaa ayagii xooga ku qabsadayna ay ku heshiin waayaan xoolaha malaayinta ah ee bishiiba ka soo gala daka magaalad ee ay ka baahnayeen dadkii deegaanka,Taasi waxaa ay sabatay dagaalo ay wada galeen beelahaas ka soodulay Gado iyo Galgaduud raga badan ay kaga dhinteen tiro rasmi ah lama hayo hayeeshee waxaa la qiyaasi karaa in aysan ka yarayan 1000 qof oo ubadna dhalin yaro dadka iyo dalka in ay anfici lahaayeen aan hubo oo aan waxbadan ka ogayan sid ay wax u wadaan Hiiraale iyo Goobaale oo ayagu walaalo ku ahaa dilka iyo dhaca dadka reer Kismaayo.

Dhibku intaa kuma ekayan ee waxaa jiray gumaad iyo isir tirtir si ula kaca ah loogu haye dadka deegaanka qaarka ka mid ah gaar ahaan beesha KABLALAX la yiraah waxaa la wada xasuustaa dilkii foosha xumaa ee gurigiis dhexdiis loogu gaysatay ALXAAJI QORAXAY allah u naxiistee oo ahaa Ganacsade nabadoon iyo siyaasi u dhashay deegaanka magacna ku dhex lahaa bulshada reer Waamo si aad ahan looga yaqaanay deegaankaas aan soo sheeganay, intaas kuma harin kumana ekaan dilalaka qorshaysan ee isir tirtirka ah ee waa sii socdeen waxaan ay ku faafeen dhamaan bulshada qayaheeda ha ahaado wadaaad aan qabiil iyo qabyaalada shaqo ku lahayan sida dilkii loo gaysatay allah u naxariistee SH. JAYLANI MACALIN CALI, IYO SH.YUSUF MAHMUUD oo loo yaqaanay YUSUF DHEERE,sidoo kale aqoon yahaynaka beeshasi kama nabda galin dilalka qorshaysan ee waxa ayagana loo xilsaray in ay meesha ka saraan dad aan wax badan aysan ugu fadhin aqaanta iyo aqoon yahaynaka waxaa si naxariis dara ah loo dilay PRO. AHMED HUSEEN HASAN BARIYOW oo ahaa nin ku howalan arimaha bulshada iyo sidii loo gargaari lahaa dadka dhibaataysan ee deegaankoodu ku bara kacsan, saraakiisha dowaldu waxa ay ahayeen ayaguna kuwa nasiib kooda ka qaatay sifayanta iyo tirtirida COL. MAQTAL FARAH iyo kuwo kale dhamaantood waxa ay galabsadeen waa magac qabiil oo ay god ugaleen.

Qolayaha soo duulay dhibaatada ay ku hayeen dadka ay xooga ku haysteen intaas kuma ekayan ee waa badanad hayeeshee intaas waxa ay ahayd tusaale aan isleeyahay waa xasuusin ee dantaydu ma hana in ay noqto kicin iyo abaabul qabiil iyo qabyaalada,waxanse leyahay yaysan hilmaamin eheladii laga dilay dadkaas oo ha xasuusnaadaan hana la xisaabtamaan dadkii dilkaas gaystay alle waxaa uu yiri.

WAMANQUTIL MADLUUMAN FAQAD JACALANAA LI WALIYIHII SULADAAN.Waa aduunyoo waa is badashaa oo hal xaal ah laguma waaro Colaada Nabad ayaa ka danbaysa, Abaartan Aaran, Gaajada Dharag, Naxdintana Farxad ayaa xigta, Culayskana Fudayda ayaa labeeya, waxaa yimid waqtigii ay dhamaan lahayd masiibada ku habsatay Magaaldaas waxaa lasoo gaaray xiligii cadaalda iyo sinaabtu ay shaqan lahayaneen oo ay gali lahayeen booskii Dulmiga iyo Gardarada Xooga iyo Dhaca Dilka iyo Kufsiga, waxaa meeshii laga saaray qolyihii dhibka ku hayey bulshadaas nabada jecel ee wanaaga ku caan baxay ee aan maalin ku duulin dad daris ah iyo kuwo kale oo fog in taba, waxaa lasoo garay xiligii uu heli lahaa Qof walaba oo Deegaankas dulmiga kasoo dalay ku dhaqdaayi xaqiisa ah inuu noolado Xaqiisa ah inuu shaqaysto allana uu si xor ah ucaabudo, waxaa yimid is badal ku salaysan Diin, waxa yimid Dad Somali ah oo hadafkoodu yahay Cadaalada Sinaan iyo xaq ku dhisan Shareecda Islaamka, waxaan filaynaa in malahaas aan u hayno Maamulka Islaamiyiinta ee magaalada la wareegay inuuusan noqon mid lagu hungoobo. Waxaan wad xasuusanahay in Kacaankii Islaaamiga ahaa ee ka dhashay dalka ee xukunkiisa ay majaraha u hayen Islaamiyiinta mudada yar ee 6 bilood ah in ay ku nasteen oo ay ku diirasadeen dadka reer Muqdisho, sidoo kale waxaan wad qirsanahay in ayla yimadeen nidaam ku salayasan Cadalada Midnimo Sinaan iyo wax qabad, kaas oo ay raali kawada aheeyeen Dadka Somaliyeed marka laga reebo kooxo yar oo dano gaarah lahaa, hayeeshee waxaan hubaa in hadii sida haboon loo dhaqan galin lahaa wax yaabhaas aan soo sheeganay ay ka cimiri dheeraan lahayeen 6 bilood oo ay in kadan oo sando ah jir lahaayeen.


Aan u soo naqdo mida Kismaayo wadaadudu waxaa ay dhiseen maamul Somali ooodhan udhan tahay ayagoo waliba madax uga dhigay dad aan goblkaas kasoo jeedin ee meelo kale ka yimdi dadka Magaaladuna waa ku raali noqdeen oo qayla kama yeerin maxaa yeelay waxa ay dadku doonayaan ma ahan xukin ee waxaa weeye wax si fiican u xukuma oo aan dulmin, naftooda iyo maalkoodaba u nabada galiya,sidaas ayaa keentay in laga raali ahaado Dhalintaas diinta dadka ugu yeeraysa ee aan aduunyo doonka ahayan.

Hadaba waxa is waydiin mudan ma ka fogaan doonaan xoogaga Islaamiyiinta ee soo celiye xasiloonidii iyo kala danabayantii Magaalada waxyaaba sahali kara ama keeni kara in nuurkaasi ay baqtiiyaan kuwa dulmiwadayasha ah ee wali ku maqan sidii ay dulimi kale usoo abaabuli lahaaeyeen oo dulaan gardaro ugu soo qaadi lahayeen deegankaas iyo dadkiisa, taasi waxay ila tahay waa walawalka ugu badan ee ay qabaan aniga iyo dadka samaanta kasheqeeya ee ila arigtida ah, waan hubaa hadii ay soo duulaan daalimiintaas in ay jabayaan oo ay guul daro kala kulamayaan ileen nin gardarni ma guulaystee.

Hayeeshee waxan rabaa in ay ka digtoonadaan wax walaba oo keeni kara iska horimad ka dhex dhaca bulshada,tusaale ahaan waxaan aad uga xumaaday markaan maqlay in qaar kamid ah culimada reer kismaayo gaar ahaan kuwa suufiyada ay shabaabaka Magaalada Maamulaa iska hortaageen in ay shalay Tukadaan Salaadii Ciidul Fidriga,taas waxaa ay sababi kartaa colaad ka timaada qayab kamid ah bulshada waliba kuwood Culimada ah mana fiica xiligaan, dhanka kale waxaa ay kasoo horjeed xoriyda qofka ah inuu si xor ah u cibadaysto, waxaan kaloo ogsoonahay in ya tahay masalo qilaafi ah oo ku salaysan arigtada bisha iyo wax loo yaqaan ikhtilaaful madhaalic.

Waxaan leeyahay ma ahan markii ugu horaysay ee aad wax maamushaan ee waxaa aad leedihiin qibarad iyo waayo aragnimo idinku filan, waa suurwodaa inaad falala ka aad samayansaan qaarkood aad ku adadkaataan, hayeeshee waa inaad marwalab xasuusnataan in labo arimood hadaba tii fudud aad qadataan oo aad fududuysaan sahashaan, oo iidaan kala eryin ee aad isukeentaan dadka oodhan adinkoo xikmada mar walba xigasanaaya oo wax ku dabaqaya, waa inaad garysataan in dadka aad xukuntaad aad tala wax kasiisaan ee iimaadan ku sifoobin kaligiis xukun iyo tala marooqsi.

Shalay hadii ay arintu ahayad anigaa taabsaday maanta waa in ay noqtaa anigaa tusaayaa wanaaga, hadii aya ahay anigaa cunaaya waa in ay ahaato maanta anagaa quudinaynana masakiinta oo wax siinayan, hadii ay hayad yaa reer hebel ah waa in ay noqtaa yaa islaama ah oo wanaaga doonya,shalay hadii meel walaba lala mari waaye isbaaro iyo jidgooyo maanta waa in ay badashaa Dugis qur,aan iyo goob waxbarasho,hadii ay hayad dil iyo dhac waa in ya badshaa wax siin iyo walaalnimo. Dadka reer Waamo hadii ay shalay ahaayeen kuwa daycan oo aan talo lahayan maanta waa in ay noqdaan kuwo walalo ah oo umidooba cadowgooda, hadii ay ahyeen kuwo aan lahayan madax hogaamis waa in ay samaystaan mid ay ku dhan yihiin oo wanaaga ku haga. Waxaan aamin sanahay tiradiina iyo tayadiina marka aan eego waxad awoodaan inaad dhisataan oo aad gobalkiin kuwarejisaan darbi lamid ah kii shiinaha uu ku wareejiye dalkiis qaarka mida ah kadib markii uu udulqadan waaye weerarada joogta ah ee kaga imanaaye Mangoolkii ama Tataarkii waagaas xooga badanaa ee ku caan baxay fasahaadinta dhulka iyo dhaca xoolaha dadka kale.

Gabogabadii waxan leeyahay Kismaayo waa magaalo somalida oodhan ka badan marka aan fiirino qayraadka alle ku manaystay sidaa darteed waxa ay dadka ku deeqdaa waa cadaalada iyo sinaan ee ayada aanu kawad shaqayno.Waxaa Qoray.

Sh.Max,ed Xasan (Shariifka) Email.

shariifka99@hotmail.com
Vaasa, Finland.

INDHACADOW SHAN BILOOD SHIIKH LAGUMA NOQDO W/D.X.MAXAMOUD


Qof Kasta Waxa uu yahay iskama badeli Karo Si Kasto oo Isku Ilaaliyo Qaabka Boliiska Dembi baaraha ah markuu dhaco Fal Dimbiyeed nooca uu doono ha ahaado Baaristiisa wuxuu ka bilaabaa shaqsiyaadkii horey loogu soo oogey Falkaan oo kale Boqol kiiba Boqol Dambiilaha wuxuu ka soo dhaxbaxayaa Shaqsiyaadkii horey u galey.


Shiikh Yuusuf Indhacade wuxuu noo sheegey inuu ka Towbad keeney DAGAAL OOGE oo markaan Noqdey Shiikh u Jihaadayo Diinta waxaa nooga soo xigtey asagoo DAGAAL OOGE ah oo warbaahinta ka aflagaadeynayo ULI AMRIGII MADAXDIISA ahaa SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED Reer Koofureedka waxey yiraahdaan "MUKULAAL MADAX DOOLI KAMA XAJISO"


Dagaal Ooge Indhacade Magaciisa dhabta ah waa Yuusuf Maxamed Siyaad "INDHACADE" wuxuu ka mid ahaa Maleeshiyaadkii Marxuum General Ceydiid uu ka keeney G/Galgaduud Markuu loolanka Siyaasadeed uu kula jirey Hogaamiyaashii kale oo isdiidinaayeen.


Markii ugu horeysey aan Idaacadaha ka Maqalno Sh.Yuusuf Indhacadee wuxuu sheeganaye inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Sh.Hoose oo xoog ku qabsadey waxaana dadka degaanka ay qireen inuu ula dhaqmaye si waxashnimo leh oo gaarey heer ah inuu Cashuur kaga qaato Neef kasta oo laga waraabinayo Biyaha Webiga.Guushii Maxaakiimta ay gaareen waa dayacay markii nin ganacsade ah oo heyb wadaagaan laga gubey Maandooriyaha loo yaqaan QAADKA.


Wuxuu ahaa ninkii dhabarka ka jibiyey MIDOWGII MAXAAKIIMTA oo Iclaamiyey in Jihaad lagu qaado Itoobiya ,Wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyey Jabkii Cududa Maxaakiimta ka soo gaarey Duulaankii ay ku qaadeen BAYDHABO ka dib markii uu soo firaaqeeyey Aagii Maanyo fuulka oo asaga qaabilsanaa
Waxaa nooga soo xigtey asagoo yiri haleygo yeero Generaal Indhacade oo isku tilmaamey inuu yahay LIBAAX Careysan oo caruurtiisa laga laayey.


ugu dambeyn Indhacade haduu aqoon u leeyahay Diinta Islaamka iyo waxa ay ka qabto SHAREECADA ISLAAMKA kuma fududaadeen Aflagaadada uu u geystey Walaaliisa Muslimka ah marna ah Madaxdiisa SHIIKH SHARIIF WAXAA LEEYAHAY YUUSUF INDHACADOW SHAN BILOOD SHIIKH LAGUMA NOQDO .

W/D.X.MAXAMOUD
moalinm2us@yahoo.com

Tuesday, October 7, 2008

HORTA MUXUU SOO KORDHIYAY OO WANAAG IYO QASAARO AH RAIISULWASAARE NUUR HUSSEIN NUUR CADDE ?


Bismilaahi raxmaani raxiim Akhristow sidaad la socotaanba waxaa la isku baddelay xukuumaddii ugu horaysay ee dowladda federaalka soomaaliyaTaasoo ah iyadoo ra’iisulwasaarihii hore ee profesor Cali Mohamed geedi lagu beddelay ra’iisulwasaare cusub ee nuur Hussein nuur cadde .
Markaanu faallo gaaban ka bixinno ra’isulwasaarihii hore ee Cali Mohamed geedi waxa uu ahaa nin aad u dhalin yar isagoo ka dhalin yaraa nuur cadde oo aan wax khibrad ah oo siyaasadedna aan lahayn waxaana doortay madaxwaynaha D.FKS iyadoo xukuumadiina lagu qaybiyay nidaamka ah 4.5 oo muddo laba jeer bay baarlamaankii kalsoonidii u diideen mar saddexaadkii b uu madaxwaynihii uu toos u magacaabay isaga iyo nuur cadena waxa ay ka soo jeedaan hal beel beeshaasoo ah beesha mudulood ama abgaal .

Beeshaasoo ah beesha ugu badan magaalada muqadishu iyo hareeraheeda sida gobolka shabeelada dhexe qaybo ka mid ah gobolka mudug isla markaasna waxay DFKS timid magaalo madaxda gobolka shabeelaha dhexe ee jowhar ,degmaasoo ahayd degmada kaliya ee beesha mudulood faraha ku haysay waayo waxaa joogay mihamed cumar xabeeb Mohamed dheere jowharna waxay magaalada mugadishu ka xigtaa lixdan mayl inta xamar iyo jowhar u dhaxaysana cid aan muddulood ahayna ma ay degto nabadgalyo xumo awgood bayna dowladdu uga carartay xilligaa waayo xiligaa muddo laba jeer ah buu ra’iisulwasaarihii isku dayay inuu tago magaalada muqadishu waxa uuna kala kulmay qarax lala beegsaday isaga mana ay dhici karto in aya taa ku dhacdo waayo soomaalidu waxa ay ku maahmaahday mukulaal miniinkeeda joogtaa mi ciyo libaax bay leedahay waayo beel hawiye ah oo mudulood ka faro badan ama ka tayo fiican ma ay jirto waayo madaxwaynihii ugu horeeyay iyaga ayuu ahaa iyo taliyihii ciidankana iyaga ayuu ahaa janeraal daauud naxariistii janno allaha siiyee waxaa iga yaabiyay sida ay wax u jiraan sidaaasoo ay tahay cali Mohamed geedi waxaa ka go’anayd inuu wax ka qabto degaanka muduloodna uu nabad ka dhigo si ay ugu nabadgalaan dowladda soomaaliyeed iyo dadkii hore ugu deganaan jiray .

Waxaana arrintaa fashilyay dad gobollada kale ka soo duulay oo dowlad diid ah loona baxshay hadda sharwadayaal kuwaasoo marba shaar gashanayay soona adeegsanayay dad iyaga ka dhashay waxaa la isla lahaa markii ra’iisulwasaaraha cusub la magacaabay maadaama uu yahay nin wayn oo waayo arag ah oo in badan ka dhexmuuqday dowladihii hore ee soomaaliya ahaana janeraal polis ah oo dadka oo dhan yaqaan ayaa waxaa la is laha wixii uu Cali Mohamed geedi uu qalday buu sixi doonaa balse maba ay dhicin waayo wax talaabo ah oo uu qaaday oo ay maslaxadi ugu jirto dadkii uu ka dhashay iyo dowladdii dooratay lama arkin xukuumadiisana wax talaabo ah oo ay u qabatay shacabka soomaaliyeed lama hayo waxaan dowladii soo food saaray qatar aad u culus nimankii la muquuniyay ee argagaxisada ahaa ayaa waxay gacanta ku dhigeen hub ay kula dagaalamaan ciidamadii Ethiopia iyo kuwii ugandha ee Amisom hadana waxay gaareenba inay airopoorkii xidhayaan .

Waxaa kaloo faraha ka baxay goboladii ay dowladda faraha ku haysay oo ay ka mid yihiin shabeelada hoose waxaa la isku dayay afganbi in loo dhigo madaxwaynaha waxaana ilaa iyo hadda aan cadayn xaaladda dowladdu sida ay tahay waayo waxaad oodaa in ay baarlamaankii dowlada fedraalka inay ka muuqato dowladuhuna waa ay noqdaan laba koox laakiin waxa ay ka midaysan yihiin midda guud ee wadanka horumarkiisa iyo nabadgalyadiisa waxaana is oran karnaa rai’iisulwasaarahan cusub in wax faaiido ah oo muuqda inuusan u samayn dowladda fedraalka iyo shacabka soomaaliyeedba mana aan ku sheegi karno inuu yahay nin xoogleh balse waa nin laciif ah oo aad u jilicsan inta uu masuulka ahaana waxa uu ahaa intii uu wadanku ugu dhibaatada badnaa waayo isagiibaa waxa uu noqday muqaawamo ummadda soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in manta oo kale uu ka bixi karo xaaladda ay soomaaliya ku sugan tahay nin adag waayo runtii 100% waxaa ka fiicnaa oo ka waxtarsanaa Cali Mohamed geedi haday saan dhacaysana waxay ahayd in waxa uu qalday lagala hadlo .

Waxaan kula talin lahaa nuur cade inuu xilka iska wareejiyo amaba uu fuliyo dhaartii uu u soomaray dadka soomaaliyeed haddiise uusan labadaa midna uu san yeelin waxa ay noqonaysaa in xaaladdu sii xumaato waayo ma aynu oran karno nuurcadde nin wax tar ah ma ahan nabadda iyo suluxa wa loo baahan yahay adigoo nabadaa wada ba a lagaaga baahanyahay inaad difaacdo xuquuqda shacabka soomaaliyeed iyo qaranimadooda nin kasta oo masuul ahan dhaar ayuu dalka iyo dadkaba u maray waxaana lagu dhaartay ilaahay magaciisa xaqa ah dadkuna waa dad muslim ah qof muslim ah haduu ilaahay magaciisa been ku maro aduunkana wax u hagaagi mayaan aakhirana naarta ilaahay buu galayaa haduusan ka toobad keenin.

Qoraalkan waxaa diyaarshay
Mohamed Hussein osman
Mxuseen840@hotmail.com

Shalay ayay ahayd markii Alle ha u naxariistee guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan xaaji Dacar Xersi Xooshow uu ugu baaqay mali


Shalay ayay ahayd markii Alle ha u naxariistee guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan xaaji Dacar Xersi Xooshow uu ugu baaqay maliishiyada shabaabiyiinta in ay xanibaada ka daayaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,waxaana maanta rag bistoolado ku hubeynsnaa ay toogteen xaajiga.


Alle ha u naxariistee guddoomiyaha ayaa waxaa toogtay sadex nin oo bistoolado watay xili uu marayay suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee magaalada Beled weyne waxaana lagu dhuftay ilaa iyo afar xabadood.
Shalay ayaa guddoomiyaha la dilay waxaa uu sheegay in aanay u dul qaadan Karin in la cabsi geliyo shaqaalaha gargaarka ee usoo gurmaday in ay wax taraan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Guddoomiyaha la dilay ayaa lagu xusuustaa dadaalo badan oo ku aadanaa in dagaal laga bad baadiyo magaalada Beled weyn iyo guud ahaan gobalka oo dhan waxaana uu ahaa nin inta badan jecel nabadda.
Wali ma jirto cid shaagatay masuuliyada dilkiisa waxaase dad badani u fasiranayaan in uu dilkiisu xiriir la leeyahay hadalkii uu shalay sii daayay ee ahaa in aanay usii dulqaadan doonin cabsi gelinta dadka wax galka ah iyo shaqaalaha gargaarka.
Dhamaaanteen bahda Wargayskan waxaa tacsi gaarisiinay dhaamaan Soomli oo dhan, iyo reer Hiiraan iyo reerkiisa gaarka ah..
Banaadir Post

Muqdisho: Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo cambaareeyey Al-Shabaab kuna baaqay Dagaal caalami ah oo lalagalo.


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soojeeda gobalka Banaadir ayaa siweyn ucambeereeyey Ururka Al-Shabaab, wuxuuna ku eedeeyey in ay yihiin kuwa masuulka ah dhimashada 300 in ka badan oo dhintey sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay.


Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Hanjabaadii lugu xiray garoonka Muqdisho ay ahayd talaabo dhan ah ka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay Al- Shabaab in ay go'aankaasi ka tanaasulaan ayna raacaan waxyaabaha danta ugu jirto.


Xildhibaankan wuxuu sheegay in dhawaan ay sameynayaan Baarlamaanka Soomaaliya sharci lugula dagaalamayo Ururka Al- Shabaab oo ku sheegay mid ka tirsan Ururka Al-Qaacida, markaasna Soomaaliya ka geysanaya falalka ka dhaca dalka Ciraaq.


Jeelle ayaa ugu baaqay dawladdaha Caalamka in ay ka taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, sidii looga hortagi lahaa Kooxahaasi, isagoo sheegay in ay tahay wax laga xumaado dilalka ay maalin walba geysanayaan Al- Shabaab waa sida uu hadalka udhigaye wuxuuna sheegay in ay Al- Shabaab ka dambeeyaan dadka Shacabkaa ee la dilo.


" Maalin walba dad Islaam ah ayay dilaan waxa ayna sidoo kale uhanjabeen Shaqaalaha Samafalka ee Soomaaliya, waxaa loo baahan yahay markaas in xidida loo siibo Ururkaasi ayadoo ay iska kaashanayan cid walboo ka soo horjeeda Argagixisada" Ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.


Salaad Cali Jeelle wuxuu ka mid ahaa ragii ugu cadcadaa xiliyadii ay socdeen dagaaladii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Maxkamadihii Soomaaliya laga saaray dhexmarayey, waxa ayna dad badan ku xasuustaan hadaladii looga bartay ee lugu difaacayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.


Maxamuud Siciid Cabdi

Muqdisho....