Search This Blog

Monday, September 29, 2008

DOWLADA SACUUDIGA OO SHEEGTAY IN AY MAALINTA BARI AH AY TAHAY MAALIN CIID AH. CIID MUBAARAK DHAMAAN

Wasaarada arimaha diinta iyo awqaafta ee dalka sacuudiga ayaa sheegay in maalinta biri ah ay tahay maalin ciid ah sida uu sheegay TVga dalkaasi Sacuudiga waxaanu dhamaan hanbalyo u direynaa dunida Muslimiinta gaar ahaan Bulshada soomaliyeed waxaana leenahay Allaha idinka aqbalo soonkiina hadii aan nahay dhaam kuweena Banaadir Post.

Mohamed Deeq Xaaji Ali
Tafatiraha Wargayska
banaadirpost@gmail.com

Sheekh Xassan Turki ´´ Sheikh Shariif iyo Xasan Daahir ku tilmaamay kuwa ka ridoobay Diinta isagoona sheegay in ay ka baxeen mar hore Midoowgii Maxkam

Sheekh Xasan Cabdalla Xersi (Tukri) oo ah taliyaha Mujaahidiinta la baxay Raaskambooni, kana mid ahaa saraakiisha sare sare ee golihii midowga maxaakiimta ayaa khudbad muxaadaro aheyd oo uu u jeedinayey qaar ka tirsan qurba joogta Soomaaliyeed ee taageersan halganka dib u xorreynta dalka ayaa khudbadiisa wuxuu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan dagaalada lagula jira ciidamada gumeysiga, kala qeybsanaanta soo wajahday madaxda Isbaheysiga dib u xorreynta & sida uu arko mowqif ahaa qolooyinka Jabuuti & Asmara ku kala sugan qolada xaqa ku dhow.
Sheekh Xassan Turki ayaaayaa Sheikh Shariif iyo Xasan Daahir ku tilmaamay kuwa ka ridoobay Diinta isagoona sheegay in ay ka baxeen mar hore Midoowgii Maxkamadaha




Sheikh Xasan Turki oo ahaa ragii ugu horeyey ee aasasay xoogaga Mujaahidiinta ayaa xiligaan u muuqda hogaamiyaha kaliya ee hogaamiyo dhamaan hogaamiyaasha Mujaahidiinta

Sheikh Xasan Turki oo qadka taleefanka ku bixinaayey muxaadaro ayaa ku guubaabiyey ragoow la hadlaayey uu ku guubaayey in dagaalka la sii wado


Muxaadarada kadib oo la weydiiyey dhowr Suaal ayuu ku sheegay in golahii maxaakimta ay isaga baxeen mar hore oo ay la baxeen walaalaha Mujaahidiinta isagoona sheegay in uusan ka mid ahen golahii maxaakiimta ,hadalkaan shekh Xasan Turki ayaa burinaayo Shir jaraaid uu qabay uuna ku sheegay in wali ay ka tirsanyihiin golahii maxaakiimta waana laba hadal oo sida muqata iska hor imanaayo.

Mar walweydiiyey labada qole ee Isbaheysiga Dib u xureynta ayuu ku sheegay labadaasi bil kuliya ay yihiin kuwa ridoobay oo diinta ka baxay ilaa ay ka tooba keenaana aysan waxba ku darsaneynin.

Mar wax wax laga weydiiyey Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayuu si toos ah ugu tilmaamay in uu gaal yahay uu diinta ka baxay madaama uu gaala raac noqday

Qolooyinka Isbaheysiga dhib xoogan bay nagu soow adaan oo lacaga doolar ah baa loo soo dhiibay si ay qabiilada hub ugu iibiyaan si noogula dagaalamo taa oo horey uga dhacday ayuu yiri Sheikh Xasan Turki Ciraaq iyo Afganistaan

Mar la weydiiyey hadal ka soo yeeray Indhacade ee ahaa in ay hubka soo wareejiyaan ayuu ku jawaabay in iyaga hub ay siiyeen xoogaga ka dagalamaayo Muqdisho ciidama
badana u soo tababaraan marka waxan leenahay ha ka tooba keeno warkaasi indhacade



Banaadir Post
Xamar Cade.

Maxay tahay danaha Nuur Cade kaleeyahay Fashilinta heshiiskii Jabuuti?

Hadanu Faaleeyno amaba falanqeeyno khilaafkii Dastuuriga ee u dhaxeeyay Madaxda sare ee Dawlada hadase lasheegay ineey ka heshiyeen iyo halka uu salka ku hayo.

waxaanu lawada soconaa amba kadharagsanayahay in iscasilidii Ra'iisul wasaarihii hore ee Dowlada Fadaraalka Geedi ay banaantay kursiga u hada kufadhiyo Nuur Cadde,taasina ay keentay in tartan ay ugalaan rag badan oo doonayey in ay qabtaan jagadaas.

Raga la saadaalinayey ayaa waxaa ka mid ahaa Gacmadheere oo ay u arkeen dad badan oo siyaasada indha indheeya in aan cidina uga habooneeyn jagadaasi. Waxaa feer socday xusul duub weeyn oo ay wadeen beesha Ra'iisul wasaarihii hore, kuwaaso la yimid Nuur Cade si uu ubuuxiyo jagadaasi.

Cabdulaahi waxaa uu jeclaa in jagadaas uu qabto Gacmadheere. Laakiin cadaadis ay saareen Maxamed Dheere, Cali mahdi iyo odayaal ka soo jeeda beeshii Cali Geedi oo u kamid yahay Imaamka Beesha ayaa kaliftay in Cabdulahi talada udaayo,Maadaama ay beeshu si hagar laaan ah u taageertay dawlada ayaa waxaa uu cabdulaahi ku khasbanaadey in uu liqo oo uu magacaabo nin uusan aqoon u laheyn siyaasadiisa iyo dhinac u ujanjeero.

Markii la magacaabey Nuur Cade ayuu waxaa uu bilaabey markiiba in uusan la tashan madaxda kale ee dawlada. Waxaa uu iskiis u soo magacaabey rag lagula taliyay in uu magacaabo si ay garab iyo talo u siiyaan isaga, Waxaana ka mid ah abdisalaan hornafriik iyo wasiirka arimaha gudaha, Waxaa durbadiiba lagula taliyay in uu qaado tilaabooyin ka careysiiya Cabdulaahi isgoo sameeyey waxyaalo farabadan oo cabdulaahi ka xanaajiyay, Sababtoo ah waxaa laga dhaadhiciyey in Cabdulaahi xiligaan khilaaf dhexdiina ah usan diyaar u aheeyn,maadama isaga iyo geedi isqabteen geedina isga taagay meesha khasab beey ku tahay in u kaa lex leexdo hadii kalena waxaa aduunku u arkayaa in uu odeygu khaldanyahay.


lasoco Qeeybta 2

Cabdulaahi waxaa uu ku dadaaley aamusnaanta, Nuurna waxaa uu arkey odeygii oo aan hadleyn markaasuu yiri waxaa la sheegayey waa run sharcigana adiigaa ugu sareeya oo kaba weeyn.

Waxaa uu hilmaamey halganka ragga qaarkii u soo galeen kursiga uu ku fadhiyo,Isagoo shaley la keeney ayuu kuwii naftooda u huray iskaga dhaweeyey.

Madaama odeygii laga waayey hadal ayaa waxaa la dhisay qorshe kale oo cad macnaheeduna ahaa in dawlada baalasha laga rifo si muqaawamada ay jaanis u hesho,Waxaa lagula taliyey in Ra'iisul wasaaruhu meesha kasaaro oo uu ceyriyo raga garbaha u ah dawlada sida maxamed dheere,cabdi qeybdiid,darwiish.

Waxaa sidoo kale lagula taliyey in uu reerka iska horkeeno si halkaas janis looga helo, taasna waxaa u daliil ah mareeyihii dekeda ayuu xilkii ka qaadey,Maxamed dheere ayuu xilkii ka qaadey labaduba waa isku jifo,taas waxaa sii dheer oo dadka ka yaabisay markii la arkey nin loo magacaabey sii haye oo loo mudaharaadayo oo la leeyahay waan taagersanahay, taasoo uu ka danbeeyey Nuur Cadde si reerka la iskugu diro loona abuuro jawi colaadeed.

Taas waxaa uu ku sii darsadey isga oo inkiraya baarlamaankii ansixiyaay inuu jagadaas qabto si aqlabiyad lehna u ogolaaday,oo u iska diiday inuu horyimaado lalana xisaabtamo.
Waxaa taa kadaran isaga oo aruursadey lacgtii dawlada oo dhan ilaa iyo hadana aan la ogeyn halka ay martey. Taasso uu ka faaideystay aamusnaanta cabdullahi uu farah kalabtay ogaansha dakhliga doowlada asogoo diidanaa in loo arko faragalin.

markii danbena Waxuuba lataliye kadhigtay axmed cabdisalaan oo had iyo jeer taleefoon kula hadlaya aabihii cabdi qaasin iyo adeerkiis xasan aweys.

Waxaa marmarsiyo laga dhigtay waxaan gobolada u sameyneynaa maamulo,Waxaa ay ka bilaabeen magaalada beledweyne iyagoo casiley dabageed waxaana taas ka danbeeyey wasiirka arimaha gudaha iyo axmed cabdisaal.
Taasi waxaa ay keentay in magaaladii nabada aheyd ay gacanta u gasho muqaawamo. Oo laga dhamaan waayo taasoo keentay in dadkii shacabka ahaa lagu duldiriro. Aakhirkiina waxuu uu u soo dhacey maxamed dheere isaga oo damacsanaa in xamarna uu ka dhigo sida baledweyne.

Odeygiii baa hurdadii ka kacey markii loogu yimid xamar, kolkaasu Nuur Cadde bilaabey qar iska xoor, taasoo kuu cadeyneysaa markii ay iscasileen 3 meelood labo in maalintii ku xigtey uu magacaabo wasiiro isagoo aan la hadlin kuwii iscasiley latashina kala sameeyn Madaxweynihii soo magacaabay, taasi waxaa ay ku tusineysaa sida Nur loogu hayo remoodka.
Hadii aan dib ugu noqdo Cailaadii uu la damacsanaa Maxamed dheere iyadoo aan loo geyn wax warqad shaqo ka joojin ah ayaa waxaa laga sheegey radiyaha hornafriik maalmo ka hor, taasi oo ku tusineysa in odeyga nuur cade ah qar iska xoor nimo u wado.

Mar uu la hadley idaacadana waxaa uu ka sheegey in sababta la isku casiley ay tahey in la carqaladeeyo shirka. Waxaaba uu hilmaamey waxa dirirey in ay ahaayeen muqaawamo iyo raga dawlada geeyey xamar oo isagu suubis ku yahaey, kiwii dirar sanaa ee larabay in la heshisiiyo u asagu hortaagan yahay.
Hadaba nuur waxaa uu sii fogeeyey nabadii iyo dib uheshisiintii lasugayay mudaad dheer, isagoo u adeegaya Wadamo shisheeye oo somliya dano kaleh kuwaaso qaarkood kadhigtay Somalia difaaca buluu nile si aysan Ethoipia u faragalin wabigaas.

Hadaan yara ifiyo markeey labada oday isugu tageen Ethiopia oo lagu howlanaa dhex dhaxaadin tooda ayaa..... hayaay......waxaa markaliya soo baxay oo mudh soo yiri gacantii qarsooneeyd ee dhabarka Nuur Cadde taagneeyd waakuma gacantaasi waa kuwii madalayaasha ahaa ee 18-ka-sano sidii macawistii nagu marnaa, waa Masar iyo Talyaaniga, safaradihii ay ku lahaayen Ethiopia ayaa markilya bilaabay dhaq dhaqaaq siyasadeed iyo fir fircooni aan horey loogu aqoon, waxeeyna kulamo iyo talefoonba ku badayeen Nuur Cadde, halka u Cabdulaahi iska diiday la kulankooda.

Waxaay cagta ku badayeen Nuur Cadde aygoo ka dadaalaya in aysan isfahmin labada Oday,hayeeshe wakhtiga iyo duruufaha ayaa nur usaamixi wayaay fulinta codsiga Dowladahaas, waxuuna maanka ku hayaay oo had iyo goor idaacadah kasoo yeerayaay mindiyo afeeysadka kasoo yeeraya Baarlamaankii u ka meer meeray, oo raba in ay gees biciid kuleeylka ku gooyaan.
gaba gabadii waxaa tuusaale inoogu filin Maxamed Dheere markuu lahaa waxaa shidada ku lug leh oo sii shidaya Dad ajaanib ah, marabana inaan hada sheeg sheego,balse hadeeysan nadeeyniin waan sheegaya waxeey igu yirahdeen, taaso u oola jeeday codsi ay usoo gudbiyeen kol hore aygoo faray inuu fududeeyo cinqilaab lamaleegay qaatana lacag farabadan, hasa yeeshe maxmed Dheere wuu iska diiday taladaas.

Lasoco Qeeybta 3



Muxuu yahay xiriirka u dhexeeya Cabdiqaasin iyo Nuur Cadde?


Somalia - waxaa in mudo ah ka soo yeerayey goloha baarlamaanka wax qabad xumada dawlada Cadde taasoo dad badan qabeen in marka hore la siiyo jaanis, hadaba waxaa jiray siro qarsoon oo ka dhaxeeyey Nuur Cadde iyo rag badan oo isugu jiray aqoonyahano iyo diasbro kaasoo looga arinsanjiray marar badan sidii dawladan loo wiiqi lahaa ragaas oo ay ka kala tirsanaa midowgii maxkamadaha iyo alshabaab iyo odey beeleedyo.


Waxaana ragaas ugu cadcadaa Cabdi qaasin oo si xirfadeysan ula talin jiray Nuur Cadde. Waxaa u socday qorshe dahsoon oo ah in cabdulaahi yusuf meesha laga saaro iyadoo loo adeegsanayo qaab walba.


Iyagoo ku balamay in muqaawamadu dhinaceeda ka dagaalanto qolyaha shirka wadana ay dhinacooda ka shaqeystan.


Dib u heshiisiintu waxaa ay aheyd mid uu si aad ah uga shaqqeynayey walid cabdale balse nuur cade uu afka oo kaliya ka dhuhi jirey anaga qofwalba waan la heshiisiineynaa. Oo wax qabad laheyn macnaheeduna ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban.
Waxaa soo degdegay burburkii maxkamadaha taasoo ka careysiisey ragbadan oo uu ugu horeyey Cabdi qaasin iyo rag kale oo badan.


Waxaa tan iyo intii ay burbureen laga shirayey sidii dawladana loogu kala qaybinlahaa laba dhinac.


Maadaama ururkii Maxkamadaha qabiilada midoobey ay noqdeen laba garab.
Shirar farabadan ka dib iyo tale confrence farabadan ayaa waxaa lagu heshiiyey in uu Nuur Cadde cayriyo dhowr nin oo lafdhabar u ah dawlada, si taasi looga dhaxlo in uu halkaas ka bilowdo khilaaf xoogan.


Kaasi oo dib u dhigi kara waa sida ay iska dhaadhiciyeene go aanka qaramada midoobey ay somaliya ciidamo ugu soo direyso, iyo in heshiiskii jabuuti burburo si labadii garab dib loogu mideeyo oo ay halkoodi ka si amba qaadaan mabaadiidoodi.

Banaadir Post

Koshin Yare

Wednesday, September 17, 2008

Maquuste Old Man Xasan Dahir Aweys, iyo Al- Mooryaan Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka hadlay warkii ay Ururka argagaxisada Al-haboow ku sheegee


Maquuste OLD MAN Xasan Dahir Aweys oo ku tilmaamay riyo maalmeed Go’aankii ugu dambeeyey ay Argigixisda Al-haboow sheegeen in ay xireen Garoonka weyn ee Magaalada Muqdisho.


Maquuste OLD MAN Xasan Dahir Aweys oo Somalida qurbaha ku nool kala hadlay qolka Paltalk ee Internetka wuxuu xusay in garoonka Mogadishu uu yahay isha qura ee lala wadaago gumeysiga una furan bulshada waa siduu hadalkiisa udhigay Mooryaanka.


Warka la sheegay anagaa u madaxa Al-haboow waxna kama jiraan wuxuu yahay mid u gaara shaqsiyaad doonaya qas iyo fowda laga dhex abuuro xoogaga dagaalada kula jira Itoobiya iyo Dowlad, waxaana ugu baaqeeynaa shaqsiyaadkaas sida Mukhtaar Robow Abuu Mansuur oo wata magaca Al-haboow inay raali gelin bixiyaan hadii kale sharciga ayaa lala tiigsanayaa ayuu yiri Maquuste OLD MAN Aweys..


Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Al-Mooryaan Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde isagoo ku tilmaamay war la iska yiri ku macneeyay hadalka Abuu Maansuur iyo Al-haboow wuxuuna Shirkadaha diyaaradaha ugu baaqay inay wataan howlahooda duulimaad ee shacabka Somaliya loogu adeegayo.

Ninkii awooda inuu diyaarad soo rido moow la beegsado kuwa Cabdulahi Yusuf iyo Amxaarada sida ee maalin walba soo dego, ma waxaa qarsoon xilliga uu dhoofayo ama imaanayo, hadalka shaqsiyaadka Al-haboow uu Afhayeen u yahay Mukhtaar Robow Abuu Mansuur ka dhigan yahay mid shacabka lagu cuuryaaminayo, waxaana ugu nasteexeyneynaa inay ka waantoobaan tilaabo kasta oo ka dili karto kalsoonida shacabka, hadii kale tilaabo baanu ka qaadaynaa ayuu yiri Al mooryaan Indhacadde.


Mooryaan indhacadde oo sheegay inuu Ceelasha Biyaha ku sugan yahay wuxuu xusay inay dagaal jihaada kala hortagayaan ciddii ku hamiso inay weerarto diyaaradaha shacabka la socdaan ee garoonka Mogadishu International Airport.


Dhanka kale waxaa isna markiisa ka hadlay jawaabna ku celiyey labada Mooryaan ee Daahir Aweys iyo indha Cadde, Afhayeenka Ururka Al-haboow Sheikh Mukhtaar Roboow Cali (Abuu Maansuur) isagoo naqdiyay hadalka OLD MAN Xasan Dahir Aweys wuxuuna ku sifeeyay nin qurba jooga oo aan ku hadli karin codka Mujaahidiinta. Kan Indha Caddena wuxuu ku sheegay isagu waa nin gatay dadkiisa oo hadal ma u yaalo.


Hadalka Al-haboow wuu cad yahay, waxaana ku celineynaa inuu amarkaan soo saarnay bilaabanayo maanta oo Talaado ah, hadii uu dadka qaar been la yahay, waxaan sugeeynaa diyaaradii ka soo degto garoonka Mogadishu”ayuu yiri Abuu Maansuur oo meesha ka saaray cambareynta golaha Gaboyartii Maxaakiimta ku diideen go-aankooda digniinta huwan.


Xafiiska wararka wiil waalka abaaqaroow.com


Banaadir Post


Xamar Cade.

Isbaaroolooyda uu hogaamiyo Daahir Aweys ee kusoo duulay Shacabka Sh/hoose ayaa ka baqdin qaba duulaan kaga yimaada ururka Al-Shabaab.

Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho, maadaama dadkaan reer galgaduud la mid yihiin hasha boolida ah lagama sugayo ineey ka waantoobaan dhaca, boobka iyo isbaarada oo ah wax laga xishoodo oo uusan ku dhaqmin nin damiir leh, balse iyagu waxay u arkaan wax lagu faano ama darajo sare oo aay gaareen taasoo keentay ineey noqdaan tuke canbaar leh oo umada inteeda kale aan ka gadmeyn xag maamul iyo mid umadeed intaba.

Bishii lasoo dhaafay ayaa gobalada koonfuureed waxaa ka curtay hir xoog leh oo daadkiisu la tagay Col. Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale), oo ahaa hogaankii dooxada Juba oo aay dhisteen rag ku bahoobay walaalaha galgaduud, uuna ka koobnaa beesha Mareexaan iyo Beesha Ceer oo aay wakiil u ahaayeen Goobaale iyo Seeraar oo kasoo wada jeeda gobolada galgaduud.

Xiligii maxkamadaha Daahir Aweys hogaaminaye ayaa waxaa dhacday in Bare laga farmaroojiyo Kismayo Goobaale iyo Seeraarna aay noqdaan mas'uuliyiintii hogaanka sare ee Maxkamadaha diinta ka been sheegay.

Shacabka Soomaaliyeed kuwooda nabada jecel ayaa aad u canbaareen jiray beesha Aweys waxa aay ku hayso gobolada koonfureed, oo uu ugu horeeyo gobolka Sh/hoose oo umadiisa loo shaati badashay isbaaraduna wali u taal raxan raxan, iyadoo aaysan jirin meel kaloo aay taal Soomaaliya inteeda kale waxa loogu yeero isbaaro.

Guruubka Aweys hogaaminaye ee diinta ku gabaday ayaa su'aashaas jawaab u waayey kadibna waxay ku tashadeen ineey been sheegaan oo aay dhahaan gobolka Sh/hoose maxkamadaha ayaa la wareegay kadibna waa la ogaa jabkii aay ku keentay ka been sheegida shacabka diinta loogu gabaday ee gobolka Sh/hoose.

Maantey waxaa taageen in Aweys, Indhacade, iyo mooryaantiisaba arintu kaga qaloocan tahay dhanka Al- Shabaab oo ah urur iyaga aay bilaabeen, balse ku caasiyoobay iyadoo Al-Shabaab u arkay ragaan tuugo diin ku qabanaya sidaas darteedna waxay ku go'aan qaateen in Sh/hoose aay ku darsadaan gobolada aay gacanta ku hayaan maadaama aay tahay meel dulmi ka jiro oo isbaaradu daadsan tahay.

Mooryaanta Aweys waxay arintaas ku ogaadeen markii aay u tageen in maamulka loo dhisayo Kismayo xubin laga siiyo iyadoo loogu jawaabay waxaan usoo soconaa isbaaradiina inaan qaadno oo aay Bare Hiiraale raacdo maamul aadka qeyb gashaan iska daayee sidaas waxaa ku jawaabay Rooboow Abuu Mansuur iyo ragii la socday ee ka mid ahaa hogaanka Al-Shabaab.

Markeey sidaas dhacday wakiilada Aweys waxay usoo carareen Isbaaradoodii Sh/hoose iyadoo walwal badan arintaas kusoo siyaadisay, kadibna waxay la tashi xaga taleefonka la sameeyeen Aweys, wuxuuna ku taliyey in isbaarada meel lagu qariyo inta Al-Shabaab ilaaheey u bixinayo cadow naga awood badan, hana loo sheego in la qaaday isbaaradii tuug oo dhana la ciribtiraayo si hirkoooda dhinac nooga maro meeshaan madeen karnee aan u fuulno geed gaaban iyo geed dheer intaba sidaas waxaa ku taliye ninka argigixisada ugu weyn ee Somaliya.

Baryahanba mooryaanta galgaduud waxey ku mashquulsan yihiin in aay Al-Shabaab u mariyaan indhaha Rinji cad, iyadoo ururkaan Al-Shabaabna doonayo in la qaado isbaaro oo dhan dadkana labo u kala baxaan, kuwo iyaga raacsan iyo kuwa kasoo horjeeda oo aaysan ogaleen laba shaatiile iyo wax la mid ah sida lagu ogyahay mooryaan beesha galgaduud.

Waanu arki doonaa waxa kala qabsada Al-Shabaab iyo mooryaanta galgaduud inkastoo baryahanba aay wadaan abaadul aay kaga hortagayaan amuurtaas.

Lasoco faalooyinkeena danbe ee ku saabsan waxa kala haysta Ibaarooleeyda gobolka Sh/hoose iyo ururka Al- Shabaab ee xaruntoodu tahay Magaalada Kismayo.

Xafiiska Warqabadka Marka Sh/hoose
Ahmed93@hotmail.com

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com