Search This Blog

Wednesday, September 17, 2008

Maquuste Old Man Xasan Dahir Aweys, iyo Al- Mooryaan Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka hadlay warkii ay Ururka argagaxisada Al-haboow ku sheegee


Maquuste OLD MAN Xasan Dahir Aweys oo ku tilmaamay riyo maalmeed Go’aankii ugu dambeeyey ay Argigixisda Al-haboow sheegeen in ay xireen Garoonka weyn ee Magaalada Muqdisho.


Maquuste OLD MAN Xasan Dahir Aweys oo Somalida qurbaha ku nool kala hadlay qolka Paltalk ee Internetka wuxuu xusay in garoonka Mogadishu uu yahay isha qura ee lala wadaago gumeysiga una furan bulshada waa siduu hadalkiisa udhigay Mooryaanka.


Warka la sheegay anagaa u madaxa Al-haboow waxna kama jiraan wuxuu yahay mid u gaara shaqsiyaad doonaya qas iyo fowda laga dhex abuuro xoogaga dagaalada kula jira Itoobiya iyo Dowlad, waxaana ugu baaqeeynaa shaqsiyaadkaas sida Mukhtaar Robow Abuu Mansuur oo wata magaca Al-haboow inay raali gelin bixiyaan hadii kale sharciga ayaa lala tiigsanayaa ayuu yiri Maquuste OLD MAN Aweys..


Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Al-Mooryaan Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde isagoo ku tilmaamay war la iska yiri ku macneeyay hadalka Abuu Maansuur iyo Al-haboow wuxuuna Shirkadaha diyaaradaha ugu baaqay inay wataan howlahooda duulimaad ee shacabka Somaliya loogu adeegayo.

Ninkii awooda inuu diyaarad soo rido moow la beegsado kuwa Cabdulahi Yusuf iyo Amxaarada sida ee maalin walba soo dego, ma waxaa qarsoon xilliga uu dhoofayo ama imaanayo, hadalka shaqsiyaadka Al-haboow uu Afhayeen u yahay Mukhtaar Robow Abuu Mansuur ka dhigan yahay mid shacabka lagu cuuryaaminayo, waxaana ugu nasteexeyneynaa inay ka waantoobaan tilaabo kasta oo ka dili karto kalsoonida shacabka, hadii kale tilaabo baanu ka qaadaynaa ayuu yiri Al mooryaan Indhacadde.


Mooryaan indhacadde oo sheegay inuu Ceelasha Biyaha ku sugan yahay wuxuu xusay inay dagaal jihaada kala hortagayaan ciddii ku hamiso inay weerarto diyaaradaha shacabka la socdaan ee garoonka Mogadishu International Airport.


Dhanka kale waxaa isna markiisa ka hadlay jawaabna ku celiyey labada Mooryaan ee Daahir Aweys iyo indha Cadde, Afhayeenka Ururka Al-haboow Sheikh Mukhtaar Roboow Cali (Abuu Maansuur) isagoo naqdiyay hadalka OLD MAN Xasan Dahir Aweys wuxuuna ku sifeeyay nin qurba jooga oo aan ku hadli karin codka Mujaahidiinta. Kan Indha Caddena wuxuu ku sheegay isagu waa nin gatay dadkiisa oo hadal ma u yaalo.


Hadalka Al-haboow wuu cad yahay, waxaana ku celineynaa inuu amarkaan soo saarnay bilaabanayo maanta oo Talaado ah, hadii uu dadka qaar been la yahay, waxaan sugeeynaa diyaaradii ka soo degto garoonka Mogadishu”ayuu yiri Abuu Maansuur oo meesha ka saaray cambareynta golaha Gaboyartii Maxaakiimta ku diideen go-aankooda digniinta huwan.


Xafiiska wararka wiil waalka abaaqaroow.com


Banaadir Post


Xamar Cade.

Isbaaroolooyda uu hogaamiyo Daahir Aweys ee kusoo duulay Shacabka Sh/hoose ayaa ka baqdin qaba duulaan kaga yimaada ururka Al-Shabaab.

Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho, maadaama dadkaan reer galgaduud la mid yihiin hasha boolida ah lagama sugayo ineey ka waantoobaan dhaca, boobka iyo isbaarada oo ah wax laga xishoodo oo uusan ku dhaqmin nin damiir leh, balse iyagu waxay u arkaan wax lagu faano ama darajo sare oo aay gaareen taasoo keentay ineey noqdaan tuke canbaar leh oo umada inteeda kale aan ka gadmeyn xag maamul iyo mid umadeed intaba.

Bishii lasoo dhaafay ayaa gobalada koonfuureed waxaa ka curtay hir xoog leh oo daadkiisu la tagay Col. Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale), oo ahaa hogaankii dooxada Juba oo aay dhisteen rag ku bahoobay walaalaha galgaduud, uuna ka koobnaa beesha Mareexaan iyo Beesha Ceer oo aay wakiil u ahaayeen Goobaale iyo Seeraar oo kasoo wada jeeda gobolada galgaduud.

Xiligii maxkamadaha Daahir Aweys hogaaminaye ayaa waxaa dhacday in Bare laga farmaroojiyo Kismayo Goobaale iyo Seeraarna aay noqdaan mas'uuliyiintii hogaanka sare ee Maxkamadaha diinta ka been sheegay.

Shacabka Soomaaliyeed kuwooda nabada jecel ayaa aad u canbaareen jiray beesha Aweys waxa aay ku hayso gobolada koonfureed, oo uu ugu horeeyo gobolka Sh/hoose oo umadiisa loo shaati badashay isbaaraduna wali u taal raxan raxan, iyadoo aaysan jirin meel kaloo aay taal Soomaaliya inteeda kale waxa loogu yeero isbaaro.

Guruubka Aweys hogaaminaye ee diinta ku gabaday ayaa su'aashaas jawaab u waayey kadibna waxay ku tashadeen ineey been sheegaan oo aay dhahaan gobolka Sh/hoose maxkamadaha ayaa la wareegay kadibna waa la ogaa jabkii aay ku keentay ka been sheegida shacabka diinta loogu gabaday ee gobolka Sh/hoose.

Maantey waxaa taageen in Aweys, Indhacade, iyo mooryaantiisaba arintu kaga qaloocan tahay dhanka Al- Shabaab oo ah urur iyaga aay bilaabeen, balse ku caasiyoobay iyadoo Al-Shabaab u arkay ragaan tuugo diin ku qabanaya sidaas darteedna waxay ku go'aan qaateen in Sh/hoose aay ku darsadaan gobolada aay gacanta ku hayaan maadaama aay tahay meel dulmi ka jiro oo isbaaradu daadsan tahay.

Mooryaanta Aweys waxay arintaas ku ogaadeen markii aay u tageen in maamulka loo dhisayo Kismayo xubin laga siiyo iyadoo loogu jawaabay waxaan usoo soconaa isbaaradiina inaan qaadno oo aay Bare Hiiraale raacdo maamul aadka qeyb gashaan iska daayee sidaas waxaa ku jawaabay Rooboow Abuu Mansuur iyo ragii la socday ee ka mid ahaa hogaanka Al-Shabaab.

Markeey sidaas dhacday wakiilada Aweys waxay usoo carareen Isbaaradoodii Sh/hoose iyadoo walwal badan arintaas kusoo siyaadisay, kadibna waxay la tashi xaga taleefonka la sameeyeen Aweys, wuxuuna ku taliyey in isbaarada meel lagu qariyo inta Al-Shabaab ilaaheey u bixinayo cadow naga awood badan, hana loo sheego in la qaaday isbaaradii tuug oo dhana la ciribtiraayo si hirkoooda dhinac nooga maro meeshaan madeen karnee aan u fuulno geed gaaban iyo geed dheer intaba sidaas waxaa ku taliye ninka argigixisada ugu weyn ee Somaliya.

Baryahanba mooryaanta galgaduud waxey ku mashquulsan yihiin in aay Al-Shabaab u mariyaan indhaha Rinji cad, iyadoo ururkaan Al-Shabaabna doonayo in la qaado isbaaro oo dhan dadkana labo u kala baxaan, kuwo iyaga raacsan iyo kuwa kasoo horjeeda oo aaysan ogaleen laba shaatiile iyo wax la mid ah sida lagu ogyahay mooryaan beesha galgaduud.

Waanu arki doonaa waxa kala qabsada Al-Shabaab iyo mooryaanta galgaduud inkastoo baryahanba aay wadaan abaadul aay kaga hortagayaan amuurtaas.

Lasoco faalooyinkeena danbe ee ku saabsan waxa kala haysta Ibaarooleeyda gobolka Sh/hoose iyo ururka Al- Shabaab ee xaruntoodu tahay Magaalada Kismayo.

Xafiiska Warqabadka Marka Sh/hoose
Ahmed93@hotmail.com

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Saturday, September 13, 2008

Hay’adda WFP Xafiiskeeda Shabeellada Hoose oo Bixineysa Qarashka Ku Baxaya Malleeshiyaadka Lagu Tababarayo K/Waareerey.




Columbus [SSMC] 13 Sept 2008-Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh.Hoose iyo Degmada K/waareey ayaa sheegaya in malleeshiyaadka lagu tababarayo k/waareey qarashka ku baxaya ay bixineyso hay’adda WFP gaar ahaan xafiiska ay ku leedahay magaalada Marka.

Warkan oo aan ka soo xiganney ilo wareedyo aad ugu hay’addaas oo ku sugan magaalada Marka iyo xarunta malleeshiyaadaka lagu tababarayo ee K/waareey ayaa sheegaya inay bixineyso Qarashaadka Raashiinka ee Ciidan beeleedka halkaas lagu tababarayo.

Warkan oo aan ka soo xiganney ilo wareedyo aad ugu hay’addaas oo ku sugan magaalada Marka iyo xarunta malleeshiyaadaka lagu tababarayo ee K/waareey ayaa sheegaya inay bixineyso Qarashaadka Raashiinka ee Ciidan beeleedka halkaas lagu tababarayo.


Malleeshiyaadka meesha lagu tababarayo ayaa waxa la sheegayaa inay 95% ay ka soo jeedaan malleeshiyaadka beesha Ceyr ee ka amar qaata Indhacadde,halka 5% ay yihiin dadka deegaanka K/waareey,waxaana malleeshiyaadkaas la doonayaa in laga mid dhigo ciidan maxkamadaha Islaamka ee ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoose,si aan loo luminin haysashada beeshaas ee Gobolka.

Sidoo kale warka ayaa intaas ku daraya in hay’adaha ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoose ay ka qeyb qaadanayaan tababarka malleeshiyaad beeleedka ka soconaya degmada K/waareey,waxaana idiin ballanqaadeynaa inaan soo bandhigno hay’adaha arrintaas gacan ka geysanaya,ee gacan ka geysanaya tababarka malleeshiyaadka.

Warqabadka SSMC Xasan Mayow
Warqabadka SSMCXasan Mayow ..
Banaadir Post


Luul Dollar:- "Colka waraf malagu dayay?"


Waxaa ayaan darro ah inagoo Ilaah nagu nimceeyay dhul barwaaqo iyo wadan qani ku-ah macdanta iyo Shidaalka, intaan ka faaiideysan laheyn nimcooyinkaas Eebe nagu maneystay inaan weli u duurbaan tumanayno colaadihii wadanka halakeeyay dibkana noo dhigay muddada 19-sanno ah.
Sidoo kale waxaa arin laga murugooda ah in maalin walba dhagaheena ku dhacaan dilka Aqoonyahanadeena, Haweenkeena, Dhaqaatiirteena, Samafalaayaasha iyo ubadkeena, iyadoo mar-marka qaarna aan aragno dad ku faraxaya dilka lagula kacayo dadkan birma-geydada ah.
Dulucda maqaalkeyga hadaan u soo daa-daago si Ilaah dhibaatadan nagu habsatay looga bad-baado ayaan waxaan ku boorinayaa ragga Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya dalka Soomaaliya inay isku tanaasulaan oo ay u diir-naxaan haweenka iyo caruurta maalin-walba dushooda madaafiicda la isku-weydaarsanayo.
Haweenka Soomaalliyeed oo iyagu dhibka ugu badan ka soo gaaro xiliftanka iyo xinka u dhexeeya ragga Soomaaliyeed ayaan waxaan kula dar-daarmayaa inay isku tashadaan oo ey sameystaan ururo kulmiya, waxaadna ogaataan in 300-Sanno ka hor ragga Soomaalida markii ay dulmiga joojin-waayeen in hilfaha u qaadeen haween ay hoorboodeysay geesiyadii caanka aheyd ee Caraweelo oo mudo qarni ku dhaw iminka talada Soomaaliya maamuli jirtay.
Sidaan wada ognahay dilka qof Muslim ah waxaa lagu galaa naarta, balse maanta waxaa yaab ah in dilkii uu ka noqday Somaliya tusbax go`ay.Hadaba ragga Soomaaliyeed waxaan leenahay hadii aan nahay dumarka, waan aragnaa xaalkiina halka uu marayee aan idiin talino oo inaga isku kaaya soo dhiiba, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa
"Colka waraf ma lagu dayey".
Waxaad ogaataan ragow in uu naga dhamaaday dulqaadkii, waayo uma adkeysan karno gumaadka iyo barakicinta aad nagu heysaan, tii Ilaahayna waa idin sugeysaa.
Maqaalkan waxaan uga dan leeyahay inaan ku baraarujiyo haweenka Soomaaliyeed, mana khuseeyo ragga kuwa wanaagsan ee ka damqanaya dhibaatada lagu hayo haweenka iyo caruurta.
Fiiro Gaar ah: Luul Cabdi Dollar waxay ka mid tahay gabdhaha Somaliyeed ee ku dhaqan Norway, waxayna madax u tahay urur ka shaqeeya danaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norwey.
QARANIMO WAA GOBANIMO
Luul Cabdi Dollar Oslo, Norway
Email:Lul-Dollar@hotmail.com
Bupal Yare
Firenze
italia
banaadirpost@gmail.com

Muqdisho: Ex- Xaruntii Wasaarada Maaliyada oo maanta dib loo furay.

Xaruntii hore ee Wasaaradii Maaliyada ee dawladdii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray.

Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro, Wasiiro kuxigeeno & Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradaasi.

Wasiirka Maaliyada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud oo xariga ka jaray Dhismahan ayaa wuxuu sheegay in ay maanta sharaf utahay wasaaradiisa in ay howlgaliyaan Ex-Xaruntii hore ee Wasaarada oo ay dhibaato ba'an ka soo gaartay dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.Mr. Xaamud wuxuu ugu baaqay Wasaaradaha kale ee dawladda Soomaaliya in ay raacaan talaabada Wasaaradiisa, wuxuuna sheegay in aysan awood balaaran dawladda Soomaaliya ulaheyn waqtigan taabagalinta Dhismayaal cusub loona baahan yahay in dayactir kuwii hore lugu sameeyo.

Wasiirka Arimaha Dibada & Xiriirka Caalamiga ee dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in ku faraxsan yahay maanta in uuka qeybgalo furitaanka Xaruntii Wasaarada Maaliyada.Wasiirka arimaha dibadu wuxuu sheegay in ay Xukuumada Soomaaliya dooneyso in ay waxqabad muuqda kaga tagto dalka Soomaaliya mudada yar ee udhiman, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradaha dawladda Soomaaliya in ay deg deg ku hirgaliyaan Xaafiisyada Wasaaradahaasi.

Cali Axmed Jaamac wuxuu ka codsaday dawladdaha Carbeed in ay gacan ka siiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dibu habeyn balaaran oo lugu sameeyo Xarumaha Wasaaradaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.Wasaarada maanta xaafiisyadeeda la furay waxa ay laf dhabar utahay howl balaaran oo ka taagan dalka Soomaaliya, waxa ayna ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan ee waqtigan ka howlgalaya dalka Soomaaliya.Dibu habeynta Xaruntan waxaa lasheegay in ay gacan ka geysteen madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, siiba Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Madaxda kale ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

F. C. Geylan

Thursday, September 11, 2008

OLD MAN Nuur cade.oo looga taliyo dhuuso mareeb ama Minan JIni


Nuur cade. waxuu iska dhigaa razelwasaare dib u heshiisiin ah. balse waa musiibo dowlada loosoo diray. waxaa taa idiin cadey neyso, cadawagii eey dowlada fdr. isga qabatay hangool ka oo kala ahaa .

kuwa la baxay odayaasha beelaha hawiye. eey ka midka yahiin nabadoon bililiqo axmed diiriye iyo timo jare xaad iyo waliba cabdi qaasin saalad booy, ayuu xarigaka ka soo furay isgoo iska dhigayo nin daacad ah oo dib u heshiisiinta ah . waxuu na bilaabay inuu madax weynaha. uu baalasha ka rifo. waxaa na taasi kuu cadey neyso.


1,waxuu xilka ka qaaday gudoo miyihii gobalka hiiraan halyeey Yuusuf Dabogeed Acazallaahu bihi . waxuu na saasoo kale kala diray maamulkii gobalka. kuna badalay argagaxiso.


2. godomiyihii gobalka banadir Halyeey Mahamed Dheere Acazallaahu bihi. 3 taliyaha ciidamada booliska soomaliyeeda halyeey Gen cabdi qeybdiid Acazallaahu bihi..


4.. taliyihii ciidama nabad sugida halyeey Gen Darwiish Acazallaahu bihi waana cagaha eey ku taag neyd dowlada FDR. waxuu ku guuleystay aakhirkii inuu xilkii ka xayuu biyo Halyeey mahamed dheere Acazallaahu bihi.


Waxuuna xiriir la lee yahay beesha somali ay ka dagi la dahay waxaan uga digeeynaa dowlada FDR hadii ay argagaxiso jirto iyo hadii eey qabiil jiraba inuu ninkaas ku aasan yahiin,dadka qaar ayaa yiraahda Nuur Cade waa Muqaawino, waxaana Sir fakatay aan ka helay axmed cadi salaam oo beeshiisa kula shiray dalka mareykanka inuu ka farxiayay ineey dowladii bur burtay raiizul wasarihiina uu gacanta kaga dhigay, kuna dhiiri galiyay in ay beeshiisa ay dagaalka sii wadaan, waxaan u sheegeynaa dowlada nacaawiso ama noosooguramatay ee ethopia iyo caalamkoo dhan. inuu nuur damay yahay nin qabiil ku shaqeeyo.. guntii iyo gaba gabadii waxaan lee ahay allow u hiili shacabka somaliyeed ee dulman....

Xafiiska wararaka wiil waalka abaaqaroow.com