Search This Blog

Wednesday, August 20, 2008

Maxamed Siyaad:- "Ma jiro dal iga danbeyn doona!"


Horraantii sagaalshameeyadii ayay ahayd markii ay dagaalada arxan darada ahi kabilowdeen magaalada Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia kaasoo looga jeeday in lagu inqilaabo rajiimkii ka arimin jiray dalka xiligaasi ee Siyaad Barre.


Sida muuqata haba yaraatee may jirin wax strategy ah oo udiyaarsanaa kooxihii xiligaa xiisaha iyo kalgacaylka dagaal uqabay inay afganbiyaan Siyaad Barre kadib marka uu rajiimku kursiga baneeyo si loo badbaadiyo dagaalka inuu dalka kasii socdo, laakin arrintu waxay umuuqatay inay salka kuhaysay nidaam qabyaaladeed iyo weliba laab lakac ahaa aynu isdhaafino Siyaad Barre kahor intaynaan kafikirin danaha umadda Somaliyeed iyo maatada beri mageydada ah.
“Majiro dal iga dambayn doona” , waa odhaah lagu xasuusan karo Siyaad Bare markii uu dalka kategay sida laga soo weriyay dad badan oo xiligaa udhuun daloolay waxyaabihii dalka kadhacayay iyo saadaasha foolxumadii kazoo socotay afganbiga kadib kaasoo aynu manta dhex maquuranayno.
Shaki kuma jiro runtii in dagaaladii sokeeye ee dalka kadhacay ay gacan wayn kagaysteen quwado shisheeye oo dano gaar ah kalahaa dalka Somalia kuwaasoo u arkayay wiiqid iyo burburin lagu sameeyo nidaamkii xukuumiga ahaa ee dalka kajiray inuu miftaax unoqon doono in la hor istaago himiladii Somalia ee ahayd in lasameeyo Somali wayn ama shanta somaliyeed oo meel la iskugu keeno iyo weliba dano kale oo gaar ah.
Wax garadkii somalida ee xiligaa wax kubartay cashuurta laga qaado muruqmaalka Somalia iyo weliba maatida kale, diplomacy iinta xiligaa Somalia ujoogay debedaha, militeryga iyo saraakiisha sar sare ee kale ee dalka umay muuqan waxa iman kara ee kadambayn doona afganbiga Siyaad Barre ee cid waliba waxay uqabyaaladaysay ciddii ay isku reerka iyo qabiilka ahaayeen kuwaasoo si indhoolenima ah kuraacay.
Inkastoo ay waxaasi oo dhami jireen laba daraadle waxaa muuqatay in goboladii waqooyi galbeed Somalia (Ex British Somaliland protectorate) arrintani ay kafaa’iidaysteen, waxaana ii muuqata inkastoo aan berigaa aad uyaraa in haddana uu jiray qorshe nidaamsan oo ay SNM kudagaalamaysay marka loo eego kii SSDF iyo kii USC kaasoo gundhigiisu ahaa inay timaado xaalad iyo jawi looga gudbi karo nidaamkii hore ee dalka katalin jiray iyo weliba dagaalo faraha la iskaga gubto oo la isku huleelo.Qabsashadii Hargeisa iyo Burco kadib waxaa laqabtay shir beeleed ay iskugu yimaadeen beelaha dega Awdal, Sool iyo weliba beelaha kale ee waqooyi galbeed Somalia si looga arrinsado waxa dhacay.
Waxaan odhan karaa caqliga iyo maskaxda wax garadkii iyo waayeelkii kushiray Burco wuxuu si fiican uga fikiray maxsuulka kazoo bixi kara haddii aanu imanin tanaasul iyo weliba in danaha shacbiga laga horeeysiiyo tan khaaska ah, waxaana la unkay Jamhuuriyaddii Somaliland taasoo aan aaminsanahay inay dhabaha ujeexday nidaam degan iyo nolol wanaagsan iyo hab dimoqraadiyadeed oo ay ku tamatucaan dadaka kunool goboladaasi.
Runtii waxaan shaki kujirin inay jireen siyaasiyiin badan iyo halagamayaal fara badan oo hunguri kahayay inay sutida uqabtaan nidaamka Somaliland kuwaasoo qaarkoodna in muddo ah kujiray xabsiyadii rajiimkii hore in mudda ahna dagaalo jabhadayn ah kaga soo horjeeday, hase ahaatee tanaasul iyo danta shacabka oo latex geliyay ayay ku samaysan tay Somaliland oo isku magacawday jamhuuriyad gooni iskaga taagtay somalida inteeda kale ee la israaciyay sanadkii 1960 kii.
Run ahaantii himiladii iyo yididiiladii ay shacbigaa lahaayeen ayaa rumowday taasoo dhalisay inay qurba jooga dalka kusoo nqodaan oo ay maalgashadaan oo ay isla markaana gaadhaan ilaa heer dastuur laqoro, afti loo qaado, ladoorto maamul iyo barlamaan iyo golayaal degaan oo xor ah oo kayimiday axsaab mucaarad iyo muxaafid iskugu jiray oo kutartamay saaxadda siyaasadda ayadoo ay goob jog kayihiin goob joogayaal caalami ah.
Waxaa faraxad iyo rayn rayn mudan inaanay kadhicin gobolada Somaliland isku magacaabay wax dagaal ah oo qabiil, qolo qolo iyo qurun kushaqa leh kadib asaaskii Somaliland iyo in waayeelka uu ka arimin jiray isu tanaasul siinta iyo isu dulqaadka siyaasiinta markastoo ay timaado xaalad adag oo dalka iyo dadka khal khal gelin kartay.
Dhanka gobolada waqooyi bari markaan usoo jaleeco, inkastoo ay in badan kadambeeyeen gobolada waqooyi galbeed laba daraadle waxay qaadeen talaabooyin wax ku ool ah oo lagu garawsaday danaha dadka iyo deegaanka kaasoo ahaa in la unkay nidaam goboleed lagu sheegay Puntland state kaasoo loo sameeyay barlamaan qabali ah iyo weliba axdi qarameed iyo weliba nidaam xukuumi oo beel kusalaysan.
Inkastoo uu jiro farqi wayn oo udhaxeeya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland dhanka haykalka dowladnimo iyo weliba horumaradii lagu talaabsaday xukumad ahaan iyo dowladnimo iyo weliba in Puntland ay kadhaceen dagaalo kusalaysan is qab qabsigii Abdilahi Yusuf iyo Jama Ali Jama iyo weliba kii kadambeeyay ee Ade Muse laba daraadle waxaan odhan karaa in shacbiga kunool gobolada waqooyi bari ee Somalia aad iyo aad inay udhaamaan somalida kunool koonfurta iyo badhtamaha Somalia dhanka amniga, horumarka iyo nidaamka siyaasiga ah.Dhanka koonfurta markaan usoo jaleeco, waxaa dhawr iyo toban shir loo qabtay kooxo budhcad ah oo kala googooyay magaaladii Muqdisho oo xurmada iyo karaamada mudnayd kuwaasoo midba daabiyad yar ka ootay kuna soo rogay hab qabqable dagaalnimo salka kuhaya dano gaar ah iyo jaahilnimo ugaysatay taasoo kayaabisay caalamka kale.
Dhawr iyo tobankaa shir waxaan kaxasuusan karaa kuwii kadhacay Sowdare iyo kii Qaahira iyo kuwii kadambeeyay ee kale kuwaasoo ujeedadeedu ahayd in hal qabiil oo Somalia rogay baabi’iyay oo kolba magic lasoo baxay lagu heshiisiiyo oo la isku tanaasulsiiyo loona sameeyo nidaam ay kumidaysan yihiin oo ayaga udhaxeeya.
Waxaa layaab mudnaa in nin waliba oo qabiilkaa kasocda uu uhanqal taagayay inuu asaga noqdo madaxweynaha Somalia xukuma, waxaase su’aal ahayd miyuu uqalmayay? Runtii waa maya waayo dhamaantooda maleh background ama taariikh aqooneed ayadoo la ogsoon yahay inay badankoodu ahaayeen darawalo iyo qaar kaganacsan jiray mukhaadaraadka oo mar qudha hab beeleed kuhelay hub iyo rasaas aan loogu aaba yeelayn umadda kuwaasoo laga soo gurtay quwado aanay danta ugu jirin xasilooni lagu soo dabaalo Somalia.
Halkaa qabiil oo Somalia madaxeeda miji urogay ayaa sababay in kumanaan iyo kumanaan iyo kumanaan kun oo Somali ah ay kudhintaan Muqdisho iyo koonfurta iyo badhtamaha Somalia ayagoo kudhimanaya dagaalo aan micne lahayn lana sharxi Karin ujeedada kadambaysay, halka kumanaan kale udhinteen gaajo iyo haraad kadib markii laga bili liqaystay hayntoodii iyo wixii faraqabsi ay gacanta kuhaysteen, boqolaal kun oo kalena inta dalka laga barakiciyay ayay ku le’deen badaha Mediterranean iyo badda cas ayagoo dalka uga cararaya dowlado shisheeye iyo ayadoo kumanaan kale uu yeygu kucunay saxaraha udhaxeeya Libya iyo Sudan.Dowladihii caalamka waa ay kayaabeen falalkii arxan darada ahaa ee kadhacayay Somaliya min horaantii sagaalshameeyadii ilaa iyo waqtigan xaadirka ah taasoo la isweydiiyay su’aal ahayd tolow dadkani miyaanay dalkaba udhalan mise waa dad loo soo dhoofiyay dalka oo aanay dani kalahayn kufsiga iyo dhaca maatada iyo kumanaanka carruur ee agoontoobay iyo kuwa dibjir iyo darbi jiifka mustaqbal unoqday.Waxaan tusaale usoo qaadanayaa shirkii Carta kadhacay kaasoo si xilkasnimo iyo daacadnimo uu usoo agaasimay madaxweynihii Jabuuti Ismail Omer Guelle waqti yar kadib markii uu dalkiisa lawareegay kursigiisa.
Wax kastoo la is odhan karo waa ay qancin karaan somalida waa lasameeyay walaw ay labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandba qaadaceen shirkaasi, runtiina waxaa la odhan karaa marka loo eego baahida dawladnimo ee kajirtay koonfurta iyo badhtamaha Somalia kamay jirin labadaa maamul maadaama ay ayagu isku tashadeen oo ay dhisteen nidaam dowladeed oo la macaamili kara maxsuulka shirkaasi.
Laakin nasiib daro qab qablayaasha dhiiga kumaydhan jiray ee Somalia iyo Muqdisho may garawsan baahida umaddooda iyo in kursigii ay u ooyayeen intii mudda ah lagu macsuumay ayaga oo lasiiyay kursiga madaxweynaha laakin waxay markiiba kudhaarteen inay ka hor iman doonaan ayagoo danta umadda uga waynayd tan quwado shisheeye ayaga uyeedhin jiray una sheegi jiray inaanay dowladda katimiday Carta dani ugu jirin ayagana hub iskugu soo dhiibi jirtay dhexdooda taasoo dowladdii Carta ee TNG kadhigtay mid hodheel ku go’doonsan dakhligii ay kaheshay duwalka carabta iyo Islamka na lagu kala qaybsaday hodheelada Muqdisho ee Ramadan lagana dhistay aqalo iyo meherado waawayn oo ganacsi ilaa ay isku dhacaan labadii mas’uul ee xiligaa ugu sareeyay dowladda ee prime minister ka iyo president aha taasoo ay furtay wado kale oo ayaga dhexdooda banaysay inay kolba xilalka iska qaadaan oo mid kale umagacaabaan.Waxaa kadambeeyay shirkii Embegathi oo lagu soo dhisay dowlada TFG da. Waxaa layaab mudan in ayadoo lasaxeexay heshiisyo badan oo weliba wax ku ool ah oo loo dhaartay oo misana aan waxba kazoo bixin lana tix gelin haba yaraatee. Ragga ayaga dartooda dastuurka wax kabedel loogu sameeyay si ay ugu suuragasho inay helaan mansab maadaama aanay lahayn qualifications kii ayay hadana bilaabeen inay kala qoqobaan dalka ayagoo mar kale kudhaartay xamar inaanay dowladi cagta soo dhigi kari midnimana muujiyay ayaga dhexdooda taasoo laga la’aa kahor shirkaasi inay midoobaan oo samaystaan nidaam dowli ah ama ay ogolaadaanba kan lagu soo sameeyay shirarka debedda ah.
Inkastoo ay dowladda dhexdeeda heshiisay markii dambe oo ay Baidoa kadhigteen xarun haddana waxaa dhacday qab qablayaasha dhiigiya cabka ahaa inaanay danta ugu jirin inay dowladda horay utalaabsato maadaama ay dantooda bur burayso, waxayna mashruuc kazoo qaateen CIA da maraykanka kaasoo ahaa in malaayiin doolar lagu bedesho in la iibiyo wadaadada iyo xag jirka somaaliyeed oo qaarkooda inta kurka laga jaray loo dhoofiyay wadamada qaska kuhayay Somalia iyo weliba in haraadiga suntan nuclear ka lagu aaso xeebaha Somalia iyo inay sii socdaan colaadaha iyo gaajada dalka kajiray ee Somalia.Waxaa samaysmay nidaam kale oo sheegtay inuu yahay nidaam islaami ah oo yidhi waxaan khilaafad kasamaynaynaa dalka kaasoo ay isku urursadeen wadaado kazoo jeeda qabiilka rogay Somalia oo kursi doon iyo qabiilaysi wata, kuwo masaakiin ah oo daacad ka ahaa dalka inuu kusoo noqdo oo lagu soo dabaalo shareecada iyo weliba kuwo lashaqaysanayay CIA da maraykanka hadana katirsanaa maxaakiimta. Kala afkaar duwanaanshaha qolooyinkaasi, nidaam isku xidha oo xoog badan oo aanu dhexdooda kajirin iyo weliba danaha shakhsiyadeed ee gaarka ahaa ee ay wateen oo kitaabka Quraanka laga dhiganayay mid lagu adeegto iyo weliba aqoon xumida dhanka cilmiga siyaasadda iyo maadiga ee dadkaa haysatay.
Iyo weliba quwada iyo xarakaatki Islamiga ahaa ee joogay wadanada debedda ayaa uhorseeday inay lumiyaan jaanis uu inbadan maqnaa kaasoo si il bidhiqsi ah ayaga kudhaafay kadib markii uu kitaabku noqday wax la iska sheegto oo sheekhii odhanayay kitaabka aanu raacno oo hadhaw hadana CIA da macluumaadka ugu gudbinayay telephone ama text message ama GPS iyo weliba in qabyaaladdu ay noqotay wax kasareeya masiirka iyo danta umadda ee loogu dhaartay fagaarayaasha in loo adeegi doono.
Dagaalo aanay qorshaysnayn oo iska soco uun ah ayaa laga soo qaaday min Muqdisho ilaa Bandiiradleey iyo weliba duleedka Baydhabo iyadoo lakhasiray fursado xiligaa banaanaa oo dowlada TFG lagula heshiin karay oo power sharing lagula samayn karay magaalada muqdishana amaankeeda lagu hanan karay.
Waxaa dhacday in ayadoon loo samayn maamul ugaar ah gobolka banaadir lagu dhawaaqo maxkamad baanu kafurnay Jawhar iyo Baladweyne iyo shacabkaa noo yeedhay ayadoo aanay jirin strategy dagaal oo midaysan oo qorshaysan oo lagu duuli karo laguna hanan karo guusha lagaadhay. Waxaa lagu adeegtay kitaabka Quraanka taasoo Ilaahay kusaliday inay hoos galaan gumaad iyo xasuuq loogu gaysto goobihii ay joogeen ee duleedka Baydhabo iyo gobolada dhexe kadib markii ay hadh cad saxaafadda kayidhaahdeen waxaanu qabsanaynaa geeska Africa kaasoo ahaa dhambaal loo dirayay CIA da si dadban inay ku aqoonsato jaanis uga banana Somalia oo ay uga qiil samaysan karto dagaal lagu soo qaado iyo qabsasho dalka laqabsado.Waxaa layaab leh in arday badan oo iskuulada dhigan jirtay oo masaakiin ahaa loo diray jiidda dagaalka lagana dhaadhiciyay xabashi baa kuqabsanaysa oo kaadhigaysa Christian kuwaasoo markii lajabay looga yimi goobaha dagaalka ama dhaawacooda latuuray aydoo la leeyahay ma aha kuwii aanu isku qabiilka ahayn, shakina kuma jiro nabsigii kitaabka inuu soo baxay.Maanta majirto maalin uga xun shacabka somaaliyeed marka loo eego wixii lasoo maray nus qarnigii udambeeyay ee lasoo maray.
Waxay kooxaha dagaalka sheeganayaan inay jihad kujiraan ayagoo laynaya maati aan waxba galabsan, waxay gawracayaan dad iskood ushaqaysanaya, waxay rasas oodda uga qaadayaan inay laayaan ayagoo waji xidhan haween masaakiina oo shaqaysanaya.Tolow jihaadku makaasaa mise waa kii uu suubanuhu uu dhabaha uxaadhay ee dalacsiiyay Abuu dujaana, Ali bin Abii daalib iyo weliba Khaalid bin walid iyo ragii raga ahaa, mise waa qabyaalad salka kuhaysa ama waynu isla jabaynaa ama waa in dowladda naloo dhiibaa.
Waxaa layaab leh in dad qurba jog ah ah oo aanay joogin dalka iyo dhibta kataagan ay fund garaynayaa dhibaatada kajirta dalka ee lagu baabi’inayo umadda somaaliyeed ee waliba dadka danyarta lagu bartilmaameedsanayo ayadoo loo adeegsanayo saxaafadda in muqaawamada noocaa udhaqanta lagu soo shaac saaro laguna xayaysiiyo isla markaana lagu maalgeliyo, waxaa kaloo layaab leh in jihaadku noqday wax la iska sheegto oo qoba wuxuu doono uqaato ayadoo hal hays noqotay ALAAHU AKBAR ama ALAA wayn.Waxaan maqaalgaygani kusoo gebagabaynayaa baaq aan udirayo dhalinyarada somaaliyeed.
Waxaan leeyahay dhalinyarda ayagaa ah resource kii lahaa dalkani bur buray, ayagaa ah kuwii beritole maamuli lahaa, ayagaa kuwaayaya mustaqbalkooda ayagaa ah kuwii ama nabadda keeni lahaa ama colaada sii hurin lahaa. Dagaalada kakala socda ee udhaxeeya labada dhinac ee jihad sheegadka iyo dowladnimo sheegadka ah waxaa wada oo qaadaya waa dhalinyaro, madaxda dagaalka ama waxay coffee ku cabayaan Asmara ama Djibouti ama madaxtooyada Ethiopia iyo tan Muqudisho, cida dhimanaysa ee front line ka taagani waa dhalinyarada, cida loo dan leeyahay ee focus ka saarani waa dhalinyarada cidda labaatan sanadood bilaa dowlad ahayd ee laga baabiyay mustaqbalkooda waa dhalinyarada cidda loo dan leeyahay in lacidhib tiro waa dhalinyarada.
sidaa awgeed dhalinyarda haka fikiraan dagaalka loo adeegsanayo kaasoo ujeedadiisu ay tahay:
1- In dalka weligii sidaan sii ahaado si aan kooxaha xasuuqa gaysta dhankay doonaan haka tirsanaadaane hadhaw loo soo taagin maxkamad markay timaado dowladnimo sida kadhacday Rwanda, Liberia, Sera Leone iyo weliba Yugoslavia weligeedna sidaa la ahaado.
2-In loo shaqeeyo ajaanibka aanay danta ugu jirin dalka inuu dowlad la’aan ahaado si aanay mar kale Somalia awood ugu yeelan inay kor usoo kacdo oo ay kusoo biirto dhigeeda kale ee caalamka horumarna samayso.
3-In lasii joogteeyo in dalka uu xarun gabaad usii ahaado firxadka aragagaxisada caalamka iyo weliba kooxaha wata danaha gaarka ah ee lagu sheegto jihad.
4-In dalka uu ahaado meel lagu aaso suntan nucearla isla markaana laga fadhataysto wixi resources ahaa ee uu lahaa.
Waxaa tusaale uga filan dhalinyarada kharajkii uu Maraykanka kubixiyay dilkii loo geystay Adan Hashi Aidhow oo ahaa nin dhalinyara ah oo somaliyeed walaw uu kujiray falal dagaal oo jihad lagu sheego.
Malaayiin doolar ayaa lasheegay inay kubaxday dilka ninkaasi oo loo arkayay inuu xambaarsanaa maskax dhalinyaranimo oo lagu agaasmi karo isbedel iyo weliba in lagu maamuli karo qadiyad.
Waxaad ufiirsataa waxa ay hay’adaha caalamku ay focus ka usaarayaan inay fadhataystaan maskaxda dhalinyarada oo inta workshop loo qabto laga ururinayo afkaartooda taasoo ah in uu jiro bililiqaysi la bililiqaysanayo garaadka maskaxda dhalinyara.
Waxaan leeyahay dhalinyarada dantooda hagartaan oo xabadda ay kuridayaan maatida hakula soo jeestaan kuwa ayaga diraya hana waydiyaan waxa ayaga uga dan ah inay weligood kujiraan xaaladdani dagaal.
Waxaan kacodsanayaa dhalinyarda inay qaadaan mudaaharaadyo waawayn oo looga soo horjeedo dhamaan dhibta loo gaysanayo umadda iyo biri magaydada maatida ah.Dhalinyarada waxaan leeyahay waxaad dagaal kula jirtaan kooxaha idinka idin diraya ee ama dowladnimo ama jihad idinku diraya, waxaad dagaal kula jirtaan quwado waawayn oo caalamka jooga waxaad dagaal kula jirtaan ururo iyo hay’ado caalami ah, waxaan idinka codsanayaa inaad joojisaan xabadda aad ku ridaysaan umadda taasoo wax xal ah keeni wayday tan iyo 1990.
Hussein Y. Hassan

Monday, August 18, 2008

Al-Shabaab oo haween shaahleyaala gumaaday

lix wiilal oo afafka u duuban yihiin ayaa bambooyin ku weeraray haween shaah ku iibinayay inta u dhaxeysa KM4 iyo Garoonka Adan Cadde International Muqdisho.
Haweenka la qarxiyay ayey kooxaha sheegta Muqaawimada ku eedeeyeen inay Ciidamada Dowlada Federalka shaah ka iibin jireen,waxaana la maqlayay iyagoo ku dhawaaqaya KALMADDA ALLAAHU AKBAR.
Inkastoo Ciidamadda AMISOM isku gadaameen baraha hooyooyinka Soomaaliyeed lagu xasuuqay hadana tacadiyada ka baxsan diinta Islaamka iyo xaquuqul insaanka ee geystaan kooxaha isku sheega inay Jihaadiyiin Muslima yihiin ayeysan jirin cid ka hadasho Saxaafad iyo wadani.
Kooxaha Muqaawimadda Al-Shabaab la baxay waxay hore u xasuuqeen haween qashin ka gurayay Muqdisho oo ay miino u duugeen,waxayna sidoo kale dileen gabadh yar oo magaceeda lagu sheegay Nasro,kana ganacsan jirtay Ukunta.
" Gabadh yar ee ay dileen kooxaha Muqaawimada sheegto hooyadeed waa indhoole,waxay irsaaqad ka raadin jirtay Ukunta,waxaa ku filneed in kuwa dilay boqol shilin Somali ah oo ka yar shan dollar siiyaan ama Ukunta ay wado ka iibsadaan laakiin xabad ayey ku dhifteen,allahu akbar ayey ku dhawaaqeen,websiteyadooda ayey soo geliyeen wayna ku faaneen,bal isweydiintu waxay tahay gobanimo malaga sugayaa koox caruurtooda,waalidiintooda arxandaradaa ku gumaada,xagee laga marayaa cuqabada hooyada indhaha la'subxaanalaah" sidaas waxaa ku calaa calay sheekh caana oo ku nool afgooye lana soo xiriiray Waagacusub
Kooxaha Shabaabka Caalamiga ee ku kala xiran Al-Qaacida iyo Washington waxay hore u dili jireen Waxgaradka Soomaaliyeed sida Aqoonyahanadda dhinacyada Tacliinta,Ciidanka,Maamulka,samafalayaasha iyo hogaan dhaqameedyadsa,waxaana hada muuqato in ugaarsigoodii u weecday Ukunleeyda,Shaahleeyda,Yaanyooleeyda iyo qashin aruurayaasha Soomaaliyeed.
Qurba jooga Soomaaliyeed oo dhaqaale ku taageera kooxaha falalka arxan daradaa kula kaca shacabkooda ee fulinaya danahii ay Itoobiya ka lahayd Soomaaliya kuna saleeysnaa in waxgaradkeeda la laayo ayey la tahay inay gobanimo la doonayaan kooxaha danleeydaa ee gumaadaya hooyooyinka iyo gabdhaha ukumaha iyo shaaha.
Soomaaliya waxaa xaaladaha ka jira la rumeysan yahay inay sababeen cadaalad daro la isugu sacab tumay,sida dilal,dhac,kufsi,barakicin iyo qabiil isugu faan,waxaana sida muuqato ku soo siyaaday Kooxo wata Kitaabka alle kuna dhaqmeyn balse ujeedkoodu yahay inay xukun ku raadiyaan ama fuliyaan dano shisheeye u dhiibtay si ay kaga faa-iidaan.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Sunday, August 17, 2008

Sheekh ABBA ayaa geeriyooday kuma geeriyooday Sanca dalka Yemen


ALLAHA u naxariistee waxaa magaalada Sanca ee dalka Yemen ku geeriyooday maanta Sheekh Max’ed Sheekh Axmed Sheekh ABBA oo ka mid ahaa culumaa’udiinka Soomaliyeed ee caanka ah sida ay xaqiijiyeen xubno ka tursan eheladiisa oo ku sugan degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Abba oo ahaa nin ay si weyn u garanayaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa culumaa’udiinka Ahlu sunna waljamaaca, waxaana guriga Sheekh oo ku yaala degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho soo buuxiyey dad aad u fara badan oo ka mid ah ehelafiisa iyo dad kale oo doonaya iney u tacsiyadeeyaan, waxaana wararku ay sheegayaan in geerida marxuumka ay ka dambeysay ka dib markii mudooyinka uu soo wajaheen xanuuno kala duwan.


Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa hawada u marinaya ehelada marxuumka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed tacsi, iyagoo ka tiiraanyeysan geerida ku timid Sheekh Abba.Inaa lilaahi lilaahi waa inaa ileyhi Raajicuun

Banaadir Post

banaadirpost@gmail.com

Beesha Majeerteen Harti ayaa gashatay shaati diineed si aay u hantaan markale degmada kismayo ee gobolka J/hoose.

Indhowaalaba waxaa socday abaabul aay wadaan guud ahaan beesha majeerteen Harti, si aay dib ugu hantaan gacan ku ahaynta magaalada kismayo ee gobolka J/hoose, oo lagala wareegay april, 2007 iyagoo xiligaas huwanaa shaar dowladeed.
Beelaha isku haya magaalada kismayo ayaa ah beelo aan u dhalan magaalada iyo gobolka intaba, balse waxaa midba midka kale ku eedeeyaa inuu isagu yahay deegaanka beesha kalena aay tahay mid duulaan ku timi, taasoo ah mid xaqiiqda ka fog in badana aan ooga hadalnay webka anagoo soo xiganayna taariikh rasmi ah iyo sida aay ku yimaadeen beelahan ku hardamaya deegaan aaysan u dhalan ab iyo isirna aaysan u sheegan karin.
Magaalada Kismayo waxaa in muda ah ku amar taagleynaye laba hogaamiye kooxeed oo kasoo kala jeeda labaan beelood, waa Morgan shaarba weyne iyo Aw bari hiiraale oo xiradii miletariga qasri weyn ka dhistay waliba dhabihii lagu gaardin jiray.
Labadaan hogaamiye kooxeed ayaa loo heystaa denbiyo dagaal oo aay ka galeen beelaha deegaanka u dashe laga bilaabo 1991 ilaa 2007 waqtigaasoo aay geeysteen xasuuq ba,an oo isugu jira dil, dhac, kufsi iyo kuwa kaloo badan.
Shaqsiyaadkii danbiyadaas ka galay shacabka gobolada Jubooyinka, ayaa haatan doonaya ama damac kaleh ineey wali sii fuliyaan kuwa kaloo cusub, iyagoo kala huwan mid beeleed, mid dowladeed iyo mid diineed intuba, balse waxey iloobeen in shacabka gobolka asal ahaan kasoo jeeda aay ahaayeen kuwii diinta laga soo gaaray guud ahaan koonfurta soomaaliya aayna diin u tilmaami karin cid kasoo jeeda gobolada dhexe iyo dhabihii jahliga.
Isku soo duuboo maxaa kala haysta beelaha Puntland iyo Gedo sideeyna ku kala bixi doonaan, iyadoo beelaha deegaankuna aay ka yihiin daawadayaal fadhiya garoonka.
Waxaa intaa dheer oo layaab noqotay in beelaha Majeerteen oo dagaal kula jiray kuwa gobolada Dhexe ee uu hogaamiye Mudane Aweys ineey haatan kala boobaan cimaamadii, iyagoo u arka ineey cimaamadu tahay dhabaha kaliya oo aay u mari karaan hanashada magaalada Kismayo iyo guud ahaan gobolka, taasoo loo aaneen karo in aay arkeen ineey jiraan rag fara badan oo diin lagu qalday kuwaasoo u badan Absame, Gaaljecel, Shiiqaal, iyo qaar ka mid kuwa kasoo jeedo gobolo kale balse looga ifiyey in jiihaadku yaalo Jubooyinka.
Waxaa laga yaabaa saacada soo socda in kooxda hiiraale aay dabada jeedin doonaan iyadoo la filayo beelaha majeerteen oo shaarka diineed huwana aay la wareegi doonaan magaalada kismayo kadibna laga war dhowri doono ineey cimaamada sii wadan doonaan iyo inkale.
Lasoco wararkeena danbe iyo wixii kasoo kordho gobolada jubooyinka.
Jamaame, Kismayo Xafiiska Warqabadka ahmed93@hotmail.com

Xubin ka mid ahaa Isbaheysigii Ladagaalanka Argagixisada oo lugu dilay Magaalada Muqdisho.


Ciise Cismaan Ciise oo ka mid ahaa Xubnihii asaasaay Urur kulmiyey Hogaamiyaashii dagaalka ee Magaalada Muqdisho ,ururkaasi oo la dhihi jirey La dagaalanka Argagixisada ayaa lasheegay in lugu dilay Magaalada Muqdisho.
Niman hubeysan ayaa toogtay Sarkaalkaasi ,waxaa lasheegay in lugu dilay deegaanka Siinaay ee Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxa ayna sidoo kale sheegayaan wararku in uu baxsaday ninkii falkaasi geystay.
Ciise Cismaan Ciise waxaa la geeriyooday mid ka mid ah Ilaaladiisii ,waxa ayna dad ku dhow dhow sheegeen in uusan Marxuumka sannadihii ugu dambeeyey faraha kala baxay howlaha Siyaasada ee dalka Soomaaliya.
lama garanayo cid ilaa hada geystay dilkaasi ,mana jiraan cid sheegatay ,waxaana ay sheegtay Haweeney lasheegay in uu qabey in ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada dawladda Soomaaliya qeybtooda baaritaanada dilalka noocaan oo kale ah qaabilsan.
Dilka Sarkaalkan ayaa walaac ku beeray dad badan oo ka mid ahaa Ururkii Ladagaalanka Argagixisada ,waxa ayna Saraakiisha amaanka ee dawladda Soomalaiya xaqiijiyeen in ay soo qaban doonaan Kooxihii falkaasi ka dambeeye..........
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Friday, August 15, 2008

Qaran oo ka faa-iidey lacag Madax furasho la marsiiyay



La qafaayashaalki dhowaan la sii daayay ee talyaaniga ahaa ee laga bixiyay lacag dhan 1,498,000 (milyan, afar boqol iyo sideetan kun oo dollar) ayaa la sheegay in lacagta madax furashada martay shirkada Qaran ee xawaalada, sida waxa yiri dad ay ehelo yihiin la hayestayaashi.
"Maalin kasta waxa soo booqanayay dad u libisan si fiican oo fiirin jiray la heeystayaasha, kuwaasi oo talo ka bixinayay sidi loogu gorgortami laha sii deentooda," sida ayey i sheegtay haweenay ay qaraabe yihin Iolanda Occhipinti oo aheyd haweenaydi la heystay.
Warkan waxa sheegtay gabar shaqaalaha caafiimaad ka tirsan ee la dhaho Marina Angelo ee ah haweenay Occhipinti kaseysay.
"Waxa meeshay ku xirnaayeen ka doonay nin dirawal u ah ganacsade ka tirsan shirkada xawaalada ay Somaalida iyo Suudan wada leeyihiin ee Qaran ,"
Marina ay dhahday.Haddanan qaldin codka aan maqlay waxa u ahaa Hussein Golay,waa raga iska leh mid ka mid ah, ayey tiri.Occhipinti oo aheyd haweenayda la heeystay aya sheegtay in maalinti afduubayaasha ka maqli jirtay ilaa 20 mar ereyga Karan, laakin ma fahmeyn waxayna u maleyn jirtay in kuwa heysta mid ka mid ah la yira Karan, marina aya sheegtay.Sidoo kaleh waxa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan nabadsugida Soomalliyed oo magaciisa diiday in la sheego in labada la heeystay u dirawalka Xussein Goley keenay isaga oo ka soo saareey marley meel u ku oga.
Labada la heeystay waxa ay sheegeen in dirawalkan ay arki jireen maalin kasta.waa markii ugu horeeysay in shirkad xawilaad ay afduub ku shuqul yeelato si cadaan ah, inkasto oo marar badan ay ku lug yeesheen hanti la gudbiyay oo nabadgalyo wax u dhintay.Lama oga waxa ay yeeli doonan dadka Suudaanta ah ee ku lug leh shrikada Qaran.
"Lacagta la keenay wey cusbeyd marka waxa diiday nimanka afduubayaasha oo yiri tixraac ayay yeelaneysa, markaasi aya shirkada qaran soo badashay," waxa sidaana u sheegay sirdoonka talyaniga nin jooga muqdisho oo la wareeystay.
"Shirkada qaran 200,000 kun oo doolar ayay ka heshay faa-ido.laakin inta badan waxa qaatay afduubayaasha,"
ayuu ninku u sheegay wardoonka.
Ganacsato badan oo soomaaliyeed ayaa dawlada talyaaniga u sheegay in aad ugu xun yihiin ficilka Qaran.
Amina AhmedReporter.
Roma
runleey84@yahoo.it