Search This Blog

Thursday, August 7, 2008

Ninkii waxa Xamar ka soconaya Jihaad Moodayayoow ku quuso hooyooyinkii nadaafada

26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey oo qabsaday dalkii Afqaanistaan. Dowlada Maraykanka oo ay markaa ku xafiil-tamayeen soofeetiga maamulka (dunida) ayaa markiiba u aragtay in arrinkaasi khatar ku yahay amaankeeda iyo amaanka wadamada ay saaxiibka yihiinba sidaa darteed waxay bilawday inay abaabusho ciidam "hab diimeed" ku dagaalama oo loo bixiyey Mujaahidiinal Afghan.

Kuwaas waxaa lagu qanciyey In dhul muslim lagu soo duulay isla markaasna Jihaad waajibay". Raga xilgaas waxay hayeenba dhigay ee jahaadka Maraykanku homuudka ka ahaa u dareeray waxaa ka mid ahaa Sh. Cabdallah Cazaam alla ha u naxariistee oo ahaa falastiini ku noolaa Urdun iyo Osama Binladen hogaamiyaha kooxda al qaacida ee xiligan.

Jabhadiihii mujaahidiinta loo bixiyey waxaa saldhig looga dhigay magaalada bashaawar ee wadanka Bakistan Waxaana dhinac walba kaga soo furmay hub casri ah oo maraykanku ku deeqay iyo lacag hagar la'aan ah oo wadama carabta ee batroolka lihii ay u hureen jahaadka ujeedooyinka badan huwanaa ee ruushka lugula jirey.

Ugu danbayntii dhimasho iyo burbur badan ka dib waxaa lagu guulaystay in soofetigii laga saaro afqaanistaan, laakiin howshii halkaa kuma dhamaan nimankii dagaalyahaniita ahaa ee la isaga keenay aduunka daafihiisa waxaa mid waliba ku soo noqday wadankiisii isagoo xanbaarsan figrado argagaxiso oo xag jira doonayana in dowladihii ka dhisnaa wadamiidiisa uu manja xaabiyo abuurana dowlado ay iyagu maamulaan oo hogaankeeda hayaan.

Waxaa intaa dheer magaalada bashaawar oo ah halkii la dejiyey dagaalayahaniintii la dagaalamayey Ruushka waxay isu rogtey goob fowdo ah oo amaan daro baahday ka jirto, waxayna ku caan baxday ilaa maanta aynu joogno meesha ugu mukhaadaraadka badan Bakistan iyo gobolkaba.

Dowlada maraykanka oo lahayd figrada asaasida mujaahidiinta afqaanistaan iyadoo is lahayd xiligaa ku xumee Ruushka si ay ugu noqoto Vietnam oo kale ayaa waxaa ay ilaa maanta kula jirtaa dagaal mujaahidiintii ay iyadu abuurtay dagaalkaas oo saameeyey nolosha baniaadamka caalamka ku nool oo dhan.

Qabsashadii ciraaq 2003 waxaa aad uga carooday Suniyiinta ciraaq oo ah dadkii uu ka dhashay madaxweynihii hore Saddam Xuseen (Allah ha u naxariistee), waxayna bilaabeen inay marti geliyeen dabley ka kala timi daafaha dunida oo ku doodaya inay yihiin Mujaahidiin doonaya inay wadanka ciraaq ka xoreeyaan gaalada ku soo duushey, dadka reer Anbaar oo lagu yaqaan marti soor iyo gobonimo waxay u fidiyeen taageero hiil iyo hooba leh dagaalyahaniintaas u soo gurmadey, nasiib xumo mudo yar ka dib waxay bilaabeen inay ku amar kutaag leeyaan dadkii reer ciraaq ee soo dhoweeyey, waxayna faraha ka laabteen la dagaalankii maraykanka oo waxay u jeesteen laynta shacabka ciraaq oo ay ugu horeeyaan reer Anbaar.

Sheekooyinka yaabka leh ee arxan darada ha ee dhacay waxaa ka mid ah in Argagixisadu maalin maalmaha ka mid ah soo dhigeen meel kaalin ah oo shidaalka laga qaato booyad weyn oo ay sheegeen in uu ka buuxo Batrool lacag la'aan ah oo ay dadkii ugu yeereen inay qaataan Batroolkan bilaashka ah, gobolkaas oo ay xiligaas ka jirtey shidaal yari dadkii oo yar iyo weyn leh waxay ku qamaameen si ay wax uga helaan batroolka la sheegay inuu bilaash yahay, xataa waxaa dhacday in dadkii baabuurta watey qaarkood baabuurtii joojiyeen oo jirikaano la soo yaaceen.

Nasiib xumo marka cadadkii ugu badnaa ee dad ahi ku soo xoomeen booyada hareeraheedii ayay mar kaliya ku qarxiyeen booyadii oo ay ka markii horeba ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxaa..........!! ugu yaraan 190 qof oo ay ku jiraan caruur, dumar iyo waayeel ayaa goobtii ku naf waayey, dhaawacuna waa tiro beelay.

Ugu danbayntii waxay ku kaliftay shacabkii reer Anbaar inay samaystaan ciidan u gaar ah oo ay buuxiyeen "Saxwatul Anbaar" kuwaasoo la dagaalama kooxaha argagixisada ah ee ay markii hore moodayeen mujaahidiin u soo gurmaday inay dalkooda la xoreeyaan, laakiin ay cadaatay in hadafokoodu yahay dhiigyacab-nimo iyo arxan daro

Anigoo tacsi u diraya ehelka hooyooyinka la xasuuqay hadana waxaan jeclahay inaan dad badan oo u haystey in Xamar jihaad ka socodo ay ku quustaan xasuuqa hooyooyinka ogaadaana in hadafku yahay yaraysi dhiig islaam iyo soomali layn. Walaahu Aclan.

Waxaa diyaariyey Cabdiraxman Xariri Kala xiriir: xariri@hotmail.com

Qilaafka Ra'isul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Wasiirada is casilay, ayaa salka ku haya Ciidanka cusub iyo wax ka qabashada gobolka Sh/hoose.

Waxaa in muda ah socday xiriiro hoose oo aay yeelanayaan beesha Ahmed C/salaan oo ah wasiirka warfaafinta iyo Ra'isul wasaare Nuur Cade oo lagu jalaafaynayo dowlada KMG loogana hortagayo qorshaha Wax ka qabashada Mooryaanta ku sugan gobolka Sh/hoose ee uu hogaamiyo Daahir Aweys.

Sida lawada ogyahay waxaa had iyo jeerba dagaalada Mogdisho laga soo abaabulaa gobolka Sh/hoose iyo hareerihiisa waxaana sabab u noqatay ineey taasi dhacdo dowlada iyo Mas'uuliyiinta ooga wakiilka ah shacabka kasoo jeedo gobolkaas.

Waxaan wada ognahay Xiligii cali geedi ahaa Ra'isul wasaaraha aay dowladu doonaysey in Aweys iyo mooryaantiisa lagu sasabo gobolkaas aayna ka qowlaystaan, balse taas ayaa noqotay mid Mr Yuusuf iyo Cali geedi ku hungoobeen, iyadoo aay noqotay in laga maro dhanka Mr Gabre oo aay inta badan heshiis yihiin cida wadata Lacagta adag ee dollarka ah, sidaas uyuuna ku fuley hankii aay qabeen reer Aweys oo ah in dhaqaale lagu siiyo Gabre ka qowleysiga gobolka Sh/hoose.

Amuurahaas aan soo sheegnay ayaa waxaa fududeeyey iyana ineey dhacaan Wasiirada iyo Xillibaanada Xiligaas ugu jiray beelaha Digil iyo Biimaal Baarlamanka iyo Xukuumada, kuwaasoo iyagana noqday Gabre Two ama (Gabrihii Labaad) Sidaas ayaana kalsooni kusiiyey in aay mooryaanta ku sii nagaato gobolkaas.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa dhacday in beelaha kasoo jeeda gobolka Sh/hoose uu Mudane Muxyidiin u qabto jagada Gaashaandhiga, taasoo aay aad usoo dhoweeyeen beelaha dega gobolkaas iyo beesha uu wasiirka kasoo jeedo, iyadoo aay intaasi xigtay in muxdiin iyo ragiisa kala soo jeedo gobolka iyo gobolada la dariska ah aay qoraan ciidan aad u tira badan, oo ah ciidankii kaga soo aaday 4.5 taasoo qorshuhu ahaa ineey wax ka qabtaan mooryaanta C/qaasin iyo Aweys ku beereen gobolka Sh/hoose balse waxaa xigay amuurtaas in Ra'isul wasaaraha fashiliyo Ahmed C/salaan oo ah ninka dowladu ka socon la'dahay.

Markii la waayey fursad lagu baajiyo Ciidankaan cusub ee loo soo tababaray wax ka qabashada gobolada koonfureed gaar ahaan kuwa aay ku sugan yihiin mooryaanta aan kor kusoo xusay, ayaa Nuur cade iyo dadkii uu u adeegayey aay abaareen qorshe kale oo ah in xil ka qaadis lagu sameeyo dadkii firfircoonaa ee abaabulkaas waday, balse waxaa ka hortagey arinkaas jalaafada ah goloha wasiirada intooda rabta sharciga iyo kala daneynta, halka kuwii muqaawamada ka tirsanaa dowladana wasiirada u ahaa aay gabaad ka doonteen Nuur cade iyagoo haatana ku sugan Hoygiisa.

Dhanka kale Madaxweyne yuusuf ayaa taageeray in laga hortago lagana soo saaro jeebka muqaawamada Mudane Nuur Cade oo aay kala dheeryihiin waxa uu idaacadaha u sheego iyo waxa u qarsoon balse haatan aay muuqato inuusan ku sii nagaan doonin jagada wasiirka koowaad.

Ugu danbeyntii Ciidanka Cusub ee dhowaan lagu soo tababaray dalka Ethopia qeybtii loogu talagalay Wax ka qabashada Mooryaanta Aweys,ayaa haatan ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Baay, iyadoo laga warsugayo goorta aay u ruqaansan doonaan dhanka Mooryaanta aan soo xusnay.

Waxaa intaa dheer wararka laga helayo deeganada Sh/hoose oo tibaaxaya in kooxda Aweys uu ka dhamaaday oradkii aay naftooda meel un kula baxsan lahaayeen, iyagoo aay u cadaatay in tarxiil kusoo fool leeyahay kaasoo aay u dheertahay carada shacabka aay u qabaan oo keeni karta in mooryaantaas nolosha lagu qabqabto waxaa kaloo intaa sii dheer cabsi kale oo soo wajahday dadka iyaga u shaqeeya ama la shaqeysta sida Cali ganeey iyo rag kaloo fara badan oo dagane ka galay beelihii aay kasoo jeedaan iyagoo fuliyey hanka Nuuriye iyo Beeshiisa.
ahmed93@hotmail.com
Xafiiska Warqabadka
Mogdisho,
Somalia

Taliyaal ciidan oo loo magacaabay gobalka Shabeelada Hoose.


Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqey taliyaal ciidan oo badalaya Taliyaal dhawaan shaqada laga joojiyey ,waxa ayna Wareegtadan ka soo baxday Xaafiiska Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa sheegay in ay talaabooyinka qaadeen ,markii ay arkeen xaalada amaan ee gobalka Shabeelada Hoose & sida loogu baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada ka taagan gobalkaasi.
Wareegtadan ayaa lugu faray Taliyaasha shaqada maanta loo dhiibay in ay dardargalinayaan howlaha Booliska Soomaaliyeed ee gobalka Shabeelada Hoose ,si loo gaaro nabad ku soo laabata Magaalooyinka uu ka kooban yahay gobalka Shabeelada Hoose.Taliyaha ciidanka Booliska ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa loo dhiibey Cabdulaahi Soomow Isaaq ,Taliye kuxigeenka Howlgalinta waxaa looga dhigey Garaad Maxamed Abuukar ,Taliye kuxigeenka dhinaca Maamulka ee ciidamada Booliska ee gobalkaasi ayaa loo magacaabay Ibraahim Sabtow.
Waxaana isla warqadan lugu magacaabay xubnaha kala ah Madaxa Xaafiiska Booliska ee gobalka Shabeelada Hoose waxaana loo magacaabay Cumar Calasow Maxamed ,Madaxa tababarada ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa loo dhiibey Muuse Cusmaan Cumar.
Wareegtadan oo Saxaafada usheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col. Bariise waxaa lugu sheegay in lamagacaabay Madaxa Saadka Ciidanka Booliska ee gobalkaasi ,ayadoo si wada jir ah warqadan loogu socodsiiyey Saraakiisha shaqadan maanta loo dhiibey.
Magacaabidan waxa ay ku soo aadeysaah ayadoo dhawaan Saraakiil ay xilalka ka qaadeen Masuuliyiinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sheegeen in ay dagaal kala hortagayaan cid walboo xilalkan loo soo magacaabo ayaa hadana ay ciidamo soo galbiyeen Masuuliyiintan maanta shaqada loo dhiibey ,waxaana maanta gobalkaasi soo gaaray ciidamo xoog leh oo dhawaan tababar ku soo qaatey dalka Itoobiya.
Banaadir Post

Monday, August 4, 2008

Taladii Axmed Cabdi Salaan iyo Sheekh Yuusuf Garaad oo Nuur Cadde ku hogaamisay Ceeb iyo Fashil siyaasadeed.


Hadii uu jiro guri Ceebeed, waa kan uu hada Nuur cadde dhexda kasoo istaagay si uu uga baxana aanu garanaynin, maadaama isagoo og cida iska leh sharci ahaan in ay masuuliyiinta sar sare ee qaranka xilalka ka qaado uu isaga dhaqaaqay fulinta wax uu usoo yeeriyay Axmed Cabdi Salaan oo dhawaanahanba ay soo ifbaxayeen warar sheegayay in uu Jeeb dambeedka ku ritay Nuur Cadde xaga siyaasada marka la eego.


Talooyinkii guracnaa ee Ina Cabdi Salaan iyo Qaran diidka weyn Yuusuf Garaad waa kuwaa iminka Odaygan Nuur Cadde ah ku hogaamiyay ceebta iyo fashilka siyaasadeed.
Macnaha fashil siyaasadeed waxaa laga yabaa in dad badani aanay u fahmin sida uu yahay,laakin hadii aan sharaxaad ka bixiyo fashil siyaasadeed waxa uu yahay macnaha oo koobani waxaa uu noqonayaa “Siyaasiga wadadii uu maraba ay horay iyo gadaalba iska soo xirto oo meel uu kadib u ciirsadana garan waaya”.Ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu todobaadkan sheegay in uu xil ka qaadis sameeyay,laakin ceebta ugu daran ee heysataahi waxaa ay tahay talaabadii uu qaaday oo aan meel mar noqoneyn maadaama ay u baahan tahay in madaxweynaha qaranku saxiixo,iyadoo madaxweynuhuna uusan hada u diyaar ahayn in uu Nuur cade qaladkiisii ku taageero.
Sidaa daraadeed macnuhu waxaa uu noqonayaa in Halyey Maxmed dheere uu wali yahay maamulaha gobalka Banaadir ee sharciga ah tan iyo inta laga helayo wareegto madaxweyne.
Waxyaabo fara badn oo is fasiraya ayaa halkaa ka muuqanaya waxaana ka mida iyadoo Axmed cabdi salaan uu laba bilood ka hor sheegay in Maxamed Dheere xilka laga qaadayo.
Tan kale waxaa ay tahay Idaacada Axmed Cabdi salaan ee Horn Afrik oo sheegtay in maxamed Dheere xilka laga qaadi doono xitaa ka hor intii aanay wareegtadu ka soo bixin ra’isul wasaaraha,iyadoo Cabdi Goob doon iyo qarandiid Yuusuf Garadna ay wax aan dhameystirneyn ula soo deg degeen saxaafada.Waxyaabahaasi oo dhami waxaa ay muujinayaan in ay howshani tahay dhamanteedba howl uu qabtay Axmed Cabdi salaan oo in badan usoo joogay lugoysmada iyo hagar daameynta dowladda federalka Soomaaliya xiliyadii ay daganayd magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.
Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu talaabada nuur Cade u arko qalad weyn, islamarkaana uuba garan la’yahay halka uu odaygu wax uwado.
Qaladaadka waaweyn ee Nuur Cade uu galay waxaa ka mida in iyadoo uu madaxweynaha Qranaku joogo magaalada Muqdisho uu qaado talaabo usan madaxweynuhu waxba ka ogayn,oo halkii isaga looga qaadan lahaa taalada ugu dambeysana uu ka weecday kana shidaal qaatay Axmed Cabdi Salaan.
Waxaa qalad kale ah in madaxwynaha qaranku wax uusan ogayn uu mar qura idaacadaha ka maqlo,taa macneheedu waxaa uu noqonayaa in xitaa loo gafay hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed oo hada ah ninka dalka ugu sareeya,xaqna u leh sida sharcigu qabo in uu masuliyiinta sarsare xilalka ka qaado shaqadisii la farageliyay isagoo aan waxna lala socodsiin.Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaanu ka ogaanay in uu hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed ku gacan seyray shaqo ka joojinta Halyey Maxamed Dheere.
Talo ayuu u baahan yahay Nuur Cade, wuxuuna uga baahanyahay dadka Soomaaliyeed ee nadiifka.
Waxaa kaloo Nuur cade laga rabaa inow ka noqdo, raaligalina ka bixi xilka ka qaadista Mohamed Dheere,
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Friday, August 1, 2008

Nuur Cadde haduu nin sariigta yahay waa inuu is casilaa (wolf in a sheeps clothes)


Nuur cadde ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa gacanta ku dhigay rag Qaran diid ah qaarna ka tirsan yihiin Dowladda qaarna bannaanka ka joogaan oo ay ka mid yihiin Axmed Cabdisalaan , Abdiqaasim Salaad Booy, Darmaan iyo tuugga wayn ee Sheikh Yusuf Garaad arinka ay wateenna waa ka sii ballaarantahay isku daygii lagu cayrin lahaa Halyay Maxamed Cumar Xabeeb.
Muxuu yahay Axmed Cabdi salaan?

Axmed Cabdisalaan waa mulkiilaha idaacadda Horn afrik waa ninkii u olaleen jiray Maxaakiimtii la wiiqay awoodooda taasoo loogu talagalay in la iskaga horkeeno shacabka iyo dowladda .

Axmed Cabdisalaan wuxuu lug ku leeyahay si toos ah iyo si dadbanba idaacadaha warbaahinta iyo webside-yada ka soo horjeeda midnimada Somaaliyeed.

Muaamarada furaha looga dhigtay Nuur Cadde ayaa ahayd in rag fara badan oo wadaniyiin wax ku ool ah shacabkana sumcad iyo sharaf ku leh dowladda laga saaro si Qaranka Somaaliyeed u bur-buro,ayna kamid yihiin a) Halyay Maxamed Cumar Xabeeb, b) Geesi General Maxamed Warsame Darwiish c) Geesi General Cabdi Qeybdiid iyo rag fara badan oo madax ah .

Waxa socdaa waa silsilad isku xiran waa la ogaa sidii kalsoonida ka muuqatay ee uu hadlayay taliyihii Boliiska ganey ee ka soo hadlayay Shabeelada Hoose .

Scandalkan hadaanay Dowladda wax ka qaban waxaa dhici doona fashil badan waa in kuleelka wax looga qabtaa , Halyay Maxamed Dheerana laga xaal mariyaa gafka ay u geesteen qarandiidkaasi .

Waa in la casilaa Nuur Cadde waa khaa-inul wadan lama heysan karo hadaan shacabkii nahay intaan ayaa nooga filan.

Mahad waxaa leh Allaah ka dib Madaxweynaha Umadda Somaaliyeed Mudane C/laahi Yusuf Axmed oo ka soo hor jeestay gafka qalafsan ee loo gaystay Maxamed Dheere ayna u geysteen dad huwan magaca dowladda hadana ka soo horjeeda sharafta iyo dowladnimada shacabka Somaaliyeed
.
Somali Jecel.
Banaadir Post

Taladii Axmed Cabdi Salaan iyo Sheekh Yuusuf Garaad oo Nuur Cadde ku hogaamisay Ceeb iyo Fashil siyaasadeed. {Faallo}.


Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Hadii uu jiro guri Ceebeed, waa kan uu hada Nuur cadde dhexda kasoo istaagay si uu uga baxana aanu garanaynin, maadaama isagoo og cida iska leh sharci ahaan in ay masuuliyiinta sar sre ee qaranka xilalka ka qaado uu isaga dhaqaaqay fulinta wax uu usoo yeeriyay Axmed Cabdi Salaan oo dhawaanahanba ay soo ifbaxayeen warar sheegayay in uu Jeeb dambeedka ku ritay Nuur Cadde xaga siyaasada marka la eego.

Talooyinkii guracnaa ee Ina Cabdi Salaan iyo Qaran diidka weyn Yuusuf Garaad waa kuwaa iminka Odaygan Nuur Cadde ah ku hogaamiyay ceebta iyo fashilka siyaasadeed.

Macnaha fashil siyaasadeed waxaa laga yabaa in dad badani aanay u fahmin sida uu yahay,laakin hadii aan sharaxaad ka bixiyo fashil siyaasadeed waxa uu yahay macnaha oo koobani waxaa uu noqonayaa “Siyaasiga wadadii uu maraba ay horay iyo gadaalba iska soo xirto oo meel uu kadib u ciirsadana garan waaya”.

Ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu todobaadkan sheegay in uu xil ka qaadis sameeyay,laakin ceebta ugu daran ee heysataahi waxaa ay tahay talaabadii uu qaaday oo aan meel mar noqoneyn maadaama ay u baahan tahay in madaxweynaha qaranku saxiixo,iyadoo madaxweynuhuna uusan hada u diyaar ahayn in uu Nuur cade qaladkiisii ku taageero.

Sidaa daraadeed macnuhu waxaa uu noqonayaa in Halyey Maxmed dheere uu wali yahay maamulaha gobalka Banaadir ee sharciga ah tan iyo inta laga helayo wareegto madaxweyne.
Waxyaabo fara badn oo is fasiraya ayaa halkaa ka muuqanaya waxaana ka mida iyadoo Axmed cabdi salaan uu laba bilood ka hor sheegay in Maxamed Dheere xilka laga qaadayo.

Tan kale waxaa ay tahay Idaacada Axmed Cabdi salaan ee Horn Afrik oo sheegtay in maxamed Dheere xilka laga qaadi doono xitaa ka hor intii aanay wareegtadu ka soo bixin ra’isul wasaaraha,iyadoo Cabdi Goob doon iyo qarandiid Yuusuf Garadna ay wax aan dhameystirneyn ula soo deg degeen saxaafada.

Waxyaabahaasi oo dhami waxaa ay muujinayaan in ay howshani tahay dhamanteedba howl uu qabtay Axmed Cabdi salaan oo in badan usoo joogay lugoysmada iyo hagar daameynta dowladda federalka Soomaaliya xiliyadii ay daganayd magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu talaabada nuur Cade u arko qalad weyn, islamarkaana uuba garan la’yahay halka uu odaygu wax uwado.

Qaladaadka waaweyn ee Nuur Cade uu galay waxaa ka mida in iyadoo uu madaxweynaha Qranaku joogo magaalada Muqdisho uu qaado talaabo usan madaxweynuhu waxba ka ogayn,oo halkii isaga looga qaadan lahaa taalada ugu dambeysana uu ka weecday kana shidaal qaatay Axmed Cabdi Salaan.

Waxaa qalad kale ah in madaxwynaha qaranku wax uusan ogayn uu mar qura idaacadaha ka maqlo,taa macneheedu waxaa uu noqonayaa in xitaa loo gafay hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed oo hada ah ninka dalka ugu sareeya,xaqna u leh sida sharcigu qabo in uu masuliyiinta sarsare xilalka ka qaado shaqadisii la farageliyay isagoo aan waxna lala socodsiin.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaanu ka ogaanay in uu hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed ku gacan seyray shaqo ka joojinta Halyey Maxamed Dheere.

Tan kale waxaa la ogaadey qofka gadaal uga fadhiya in wax laga qabto Gobolk SHabeelada hoose uu yahay Nuur Cade iyo Axmed Abdi salaan, kuwaas isku bahaystey soo noolaynta burcadii Jaale Ceyr ee dhibka Soomaalu la hortaagnaa...


Banaadir Post.