Search This Blog

Friday, August 1, 2008

Qaran Diid Nuuriye Cali Faarax iyo taliye yaal kale oo xilalkii maanta laga xayuubiyay. {Qaran diid Nuuriye waa nin ceynkee ah??}


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax.


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga qaaday
xayuuibiyay taliye maliishiyadeedo hore oo dhanwaanahanba xilal ka hayay booliska Soomaaliyeed,waxaana ka mida qarandiidka weyn Nuuriye Cali Faarax.


Wareegtada kasoo baxday taliyaha booliska oo uu saxaafada u aqriyay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col Bariise ayaa ku eedeysay taliye yaasha xilalka laga qaaday qaarkood in ay ku keceen amar diido,islamarkaana ay u shaqeeyeen dowladda Soomaaliya lidkeeda.


Afaheynka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha Boliiska Qaybta Weeliyow Cade Col. C/llahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ilaa iyo 5 sarkaal xilalkii laga qaaday,waxaana ka mida Taliyahii Qaybta Boliiska Gobalka Sh/hoose G/sare Cali Aadan Cali Ganeey oo horayna u ahaan jriay taliye maliishiyadeedkii Jaalle Indahcadde iyo ku xigeenkiisii Nuuriye Cali Faarax oo isna maamulkii Qarandiid Indhacade ka ahaa abaandullhaha ciidanka,waxaana lagu eedeeyay in ay heysteen hub iyo ciidan sharci darro ah oo ay kula dagaalamayeen dowladda Soomaaliya.


Taliye yaasha kale ee xilalka laga qaaday waxaa ka mida : G/dhexe C/qaadir Cabid Xasan (Beebe) oo ka tirsanaa Qaybta Boliiska gobalka Banadir, G/dhexe Xasan Cali Warsame oo ka tirsanaa Hogaanka ka hortaga Dambiyada iyo Gaashaanle Cabid Xaashi Baraale oo ka tirsanaa waaxda horumarinta cidianka booliska Soomaaliyeed.


Dhinaca kale Qaran diidka weyn Nuuriye oo ka mid ahaa raga baadilka ku heystay gobalka Shabeelaha hoose ayaa hadana waxaa uu ahaa ninkii gacanta ku hayay Hubkii uu lahaa Jaalle Indhacadde,kaas oo qeyb ka ah hubka sharci darada ah ee loo adeegsado xaaladaha amni darro ee ka aloosan qeybo ka mida dalka Soomaaliya.
Banaadir post
banaadirpost@gmail.com

Haweenka Mudulood ee W/Ameerika iyo Yurub oo dhaleeceyn dusha uga tuuray r/wasaare N/Cadde


Waxaa mudo labo maalmood shir qadka telfoonka (Teleconfrence) ku kulmayay haweenka Beesha Mudulood ee ku kala dhaqan Waqooyiga Ameerica iyo Yurub, iyadoo ey shir gudoominaysay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Beesha Mudulood ee North America Casha Yabarow.


Shirkaas ayaa waxaa lagu falanqeeyay talaabada aan laga fiirsan ee uu qaaday R/Wasaare Nuur Cadde taas oo uu xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

"Waxaan halkan ka cadeynaynaa in R/Wasare Nuur Cadde uu ku deg-degay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka, waxaan xasuusinaynaa Nuur Cadde in dowladu tahay 4.5 xilna la qaadi karo lana magacaabi karo masuul kale balse Nuur uusan u magacaabi karin gobolka Banaadir nin aan u dhalan deegaanka",

ayaa ka mid ahaa nuquladii ey soo saareen haweenka.

Waxaan kaloo halkan dhaleeceyn dusha uga tuuraynaa dadkii dhawaan dhigay mudaharaadkii loogu riyaaqayay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxhamed Dheere taas oo ku tuseysa in qabiil ka dhex guuxayo kuwa qaxootiga sheeganaya ee ku sugan Siinka Dheer ama Ceelasha Biyaha oo ey dowladdu kasoo saartay xarumihii Dowladda ee ey hoyaadka ka dhigteen mudadii 18-sano ee fowdada.

Hadaba shirkii labada maalmood socday ayay haweenka Beesha Mudulood ku dhaleecyeen in R/Wasare Nur Cade uu ka baxay balamihii ahaa in uu la tashan doono dhamaan beelaha Soomaaliyeed, uuna u bedelay sheekada qancin uu qancinayo dadka nabad diidka ah.
Waxaad xasuusataa Nuur Caddow maah-maahdii ahayd (NIN XAASKAADA RABO GABADHAYDA HOO KAAMA YEELO), marka R/Wasaare ma qancin kartid dad raba in ay la wareegaan deegaanada beelweynta Mudulood, mana dhici doonto inaan kugu taagerno arinkaa isaga ah, ayay Shukri Tooxow oo xubin fir-fircoon ka ah Haweenka Beesha Mudulood ku soo gaba-gabeeysay hadalkeeda.
Shukri Tooxow Mohamed
Ahado97@yahoo.com

Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka oo ka warbixiyay dad ay ku soo qabqabteen dagaalkii shalay ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho


Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Daahir Maxamed Xirsi ayaa Wariyeyaasha u sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee Baastada iyo deegaanka Waxar Cadde ay ku soo qabqabteen ciidamada Dowladda kooxo uu sheegay iney yihiin wax uu ku tilmaamay nabad diidka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dadkaasi markii gacanta lagu dhigayey ay ahaayeen kuwo gacanta kula jiray dagaal ay kaga soo horjeedeen ciidamada Dowladda, kuwaasi oo haatan lagu haayo Warshadda Baastada oo xarun u ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Dadkan la qabqabtay eheladooda oo warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in wiilashooda aysan ku jirin wax dagaal ah isla markaana dadkaasi ay ku andacoonayaan in qaar ka mid ah dhalinyaradooda laga qabqabtay Masjid dhexdiisa oo ku yaala Waxar Cadde, taasoo aan la hubin iyadana.
Hadalkan ayaa waxba kama jiraan uu ku tilmamay Afhayeenka Milateriga isagoo sheegay in mar walba kooxaha ka soo horjeeda marka lagu qabto dagaalada ay shacabka ku beer jilacsadaan in dhalinyaradooda laga qabqabto goobaha cibaadada, wuxuuna Afhayeenka uu carabka ku dhuftay in ciidamada ay ka xaaraan timeysan yihiin in ay ku kacaan falal aan dhaqanka ka soo horjeedin.
Banaadir Post.

Wednesday, July 30, 2008

BOOQASHADII WASIIRKA GAASHAANDHIGGA SOMALIA Md, MUXYADDIIN MAXAMED XAAJI EE DALKA ETHOPIA


Wefdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayay wasiirka Gaashaandhigga Somalia Md, Muxyaddiin Maxamed Xaaji ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay. Wefdigaas oo uu ka mid ahaa abaanduulaha X.D.S. Somalia Gen, Saciid Maxamed Xirsi { Saciid Dheere}, agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Sammaan Maxamed Sheekh Dahir iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Somalyeed.


Wasiirka iyo wefdigiisa muddadii ay ku guda jireen socdaalkooda waxay soo booqdeen xereeyinka ciidamada melateriga Ethopia iyo xafiisyada Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo ku kala yaala magaalooyin kala duwan. Sidaas oo kale waxay soo booqdeen xarumo lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed iyagoo u kuur galay xirfadaha gaarka ee ay bartaan ciidamadaas.

Muddadii uu joogay wasiirka wuxuu safaaradda Soomlya ee dalka Ethopia kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas deggan, wuxuuna ku booriyay in ay isku duubnaadaan kana fogaadaan wixii dalka hooyo kasoo qaxiyay ayna la weynaato Soomaalinimada.

Intii wafdiga wasiirka aysan kasoo amababixin dalka Ethopia, waxay ka qeyb galeen xaflad balaaran oo lagu soo xirayay tababar u socon ayay ciidamada Soomaalyeed muddo 7 Bilood ah, iyadoo goobtii uu xiritaanka xafladaas ay ka dhaceysay oo aheyd magaalada Bilaate ay ciidamadaas kusoo bandhigeen dab rid iyo dhoolatus ciyaarsiis ah oo ku saabsanaa walxahii ay halkaas ku barteen ciidamadaas.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka KMG Soomaaliyeed Md, Muxyaddiin Maxamed Xaaji oo salaan ka qaatay cutubyadii halkaas socodka gaada-ka ciyaarka ku maray, ayaa halkaas wuxuu uga soo jeediyay amaan iyo mahad naq dowladda Ethopia.
Wuxuuna yiri:- Dowladda Ethopia ma ahan markii ugu horeysay oo ay soo tababarto ciidamo Soomaaliyeed, mana aha markii ugu horeysay oo ay isku howsho dhibaatada amaan daro ee ina heysata, waxay mar walba nala garab taagantahay taageero, waxay inuu hurtaa dhiigeeda,naftooda iyo maalkooda.
Abaalkaasna ma ilaabi doono. Wuxuu sidoo kale ku booriyay ciidamada dhameystay tababarka in ay muujiyaan waddani nimo iyo geesinimo, maxaaa yeelay, manta adinka ayuu dalkii ina sugayaa ayuu hadalkiisa kusoo geba gebeeyay Wasiirka.

Ugu dambeyntii wefdigii wasiirka Gaashaandhigga hoggaaminayay Md, Muhaidin Mohamed Hagi oo tegeay dalka Ethoia 12/7/08dii ayaa kasoo amabaxay magaalada Dabrazeyd 8/8/08, iyagoo kasoo degay Magaalada Baydhabo ee dalka hooyo.

Safiyo Abuukar Karaani
Mogdishu – Somalia

NUURIYE CALI FAARAX IYO CALI GENEY HA LA SOO QABTO


Wareegto uu shaley soo saarey guddoomiyaha ciidanka booliiska dowladda federaalka , general Cabdi Qeybdiid, ayaa waxaa lagu xusey inla soo qabto Nuuriye Cali faarax iyo Cali geney.

Kuwaasi oo ku amar taagleeyey in badan maamulka iyo amaanka gobolka shabeellada hoose, ayaga oo sheeganaayey inay yihiin ciidanka nabadgelyada, isla markaana dejiyey amaanka gobolka.
Waxay hoggaan u ahaayeen ciidan mooryaan ah,kuna saleysan beel gaar ah, kuwaasi oo gaarey inay canshuuraad iyo ganaaxyo kusoo rogey gobolka,taasi oo ahayd culeys dheeraad aan dalka meelahiisa kale ka jirin.

Wararka ayaa sheegaaya inay labadaa dembiilayaalka ah , baxsadeen , ka dib goorta ay ka war heleen wareegtada lagu caddeeyey inaysan aheen kuwa dowladda ka tirsan isla markaana ku adeegto magaca booliiska, kana dhigey amaan darro gobolka shabeellada hoose.

Waraagtadaani waxay dhalisey inay wada baxsadaan, kuna dhuumaaleystaan midba halka uu is leeyahay waad ku amaan heleysaa, taasi oo ay wararku sheegayaan inuu Nuuriye Cali faarax ku dhuumaaleysanaayo aqalka Generaal Gaber, oo ah hoggamiyaha ciidamada Ethiopiaanka, oo markii horeyba lagu tuhmaayey inuu gacansaar la leeyahay kooxda ku amar taagleyso gobolka sh.hoose.

Wararkaani ayaa soo baxaayey ilaa muddooyinkii dambe , ka dib markii la shegeey inay shirar fara badan oo qaar qarsoodi ah woda yeesheen maamul ku sheeggii gobolka sh. Hoose, iyo general Gabre, ayaa la sheegayaa inay u qoondeeyeen lacag gaar ah , sidii uu u horjoogsado keenitaan ciidan dowladeed gobolka sh.hoose.

Halka uu ku dhuumaaleysanaaya Cali Geney aqalka wasiir ku xigeen mudane C/salaam, taasi oo ka dhigan xubin dowladda ka tirsan in lagun dhuumaaleysto gurigeeda oo ah ku xad gudub sharciga isla markaana ka dhigan xoogin dulmi beeleed isu gaashaan buursi.

Indheer garad u dhashey gobolka ayaa waxay u arkaan haddii ay wararkaan run yihiin in arrintaani loo baahanyahay inay dowladda ka qaaddo tillaabo adag, siiba wasiir amase xildhibaan u janjeera dhan qabiil inay ka dhigantahay waxa dalka burburiyey , loona baahneyn in loo dulqaato, kuwa dulmiilayaasha ah, waxaase la sugayaa in sharciga la mariyo, lagana qaado xaqa umadda Soomaaliyeed.

Cadaaladda waa waxa laga la'aa dalka , una horseedey burburka maanta taagan, haddiise la helo waxaa hubaal ah inuu dalkaani ka fiicnaandoono dalal badan ee dunida ku yaal.
Hadalka waxuu ku koobanyahay ha lasoo qabto fara ku dhiigle, iyo dembiile kastaa ee dalkaan iyo dadkaan dhibaata u geystey intii uu dalka ahaa mid ku sugan burbur, hana la mariyo cadaaladda................dhulkan kii leh ha soo baxo...

Tafatiraha Wargeyska
Moh,ad Deeq Xaaji Ali

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho waxay xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ka qaadeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Shirka ay Golaha Wasiirrada isugu yimaadeen oo uu shir guddoominayay Ra’’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxday in Xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Midkii Duqa Magaalada Muqdisho laga qaaday Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere).

Warar aynu ka helnay Ilo ku dhow dhow shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta waxaa lagu sheegay sababta Maxamed Dheere xilkaas looga qaaday xil-gudasho la’aan iyo in ay ka soo eed-sheegteen Xubno kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sheegay in ay la shaqeyn waayeen Maxamed Dheere.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xilkii uu hayay Maxamed Dheere si KMG ah loogu sii dhiibay Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.

Maxamed Dheere ayaa xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir loo magacaabay 26-kii April ee Sanadkii 2007, iyadoo uu magacaabay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wareegto xafiiskiisa ka soo baxday lagu sheegay in uu magacaabistiisa aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Maxamed Dheere ayaa intii aan xilkaas loo magacaabin wuxuu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyo ku midoobay Isbaheysi la magac baxay La-dagaalanka Argagixisada, kuwaasi oo ay ka awood roonaadeen Maxkamadihii Islaamka bartamihii sanadkii 2006.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa intii aaney ka awood roonaan Maxkamadihii Islaamka waxaa uu muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo marka laga soo tago in uu dadka gobolka ku soo rogay Shuruuc adag iyo Canshuur xad-dhaaf ah uu dhinaca kale si weyn u sugay ammaanka Gobolkaas, taasi oo keentay in ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihiisii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi ay muddo 9 bilood ah ku soo shaqeeyaan Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com